Booliska Faransiiska oo loo jeediyey eedeymo cusus

by admin | Saturday, Dec 8, 2018 | 748 views

Muuqaal laga soo duubay arday ay booliska ka hor tagga rabshadaha ee Faransiiska ku khasbeen iney jilbaha dhulka dhigtaan iyagoo gacmahooda qadaadka ku haya ayaa caro weyn ka dhex abuuray baraha xiriirka bulshada.

Mudaharaad ay ardayda ka sameynayeen afaafka hore ee iskuul ku yaalla xaafadda Mantes-la-Jolie, oo dhacda galbeedka magaalada Paris ayaa ku idlaaday isku dhacyo dhex maray booliska iyo dibadbaxayaasha, waxaana halkaas lagu xiray in ka badan 140 ruux.

Ardayda ayaa ka careysan qorshe lagu doonayo in dib u habeyn loogu sameeyo hannaanka imtixaannada, kuwaasoo ay sheegeen iney sababi doonaan fursadaha oo yaraata iyo in ay meesha ka baxdo sinnaanta.

Arrintan ayaa timid xilli dalka Faransiiska uu isku diyaarinayo rabshado dheeraad ah oo ka abuurma mudaharaadyada la magac baxay “Jaakadda jaallaha ah”.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in dadka lagu xir xiray iskuulka Saint-Exupery ay ahaayeen kuwo lagu tuhmay iney ka qeyb qaadanayeen “kulan hubeysan”, iyagoo intaasna ku daray in boolisku ay ka hor tagayeen in xaaladdu ay “faraha ka sii baxdo”, sida uu shaacisay wargeyska Le Monde.

Hase ahaatee, haweeneyda xisbiga bulshaawiga ah madaxa uga ah Paris ee lagu magacaabo Clémentine Autain ayaa sheegtay in muuqaalka ku saabsan ardayda lagu kallifay iney jilbaha dhigtaan meel wasakh ah iyagoo ku sii jeeda darbi bulikeeti ah uu yahay “cabsi galin”, “bahdilaad” iyo “wax aan la aqbali karin”.

Sidoo kale Frédérique Rolet, oo ka tirsan mas’uuliyiinta ururka wax barashada ee Faransiiska ayaa sheegtay in muuqaalkaas uu yahay mid aan loo dulqaadan karin, sida uu baahiyay raadiyaha French radio station Europe 1.

Dadka u dooda xuquuqda ardayda ayaa caro xoog leh ku muujiyay baraha xiriirka bulshada, waxayna mas’uuliyiinta booliska ku cambaareeyeen tallaabadaas.

Tobannaan iskuul oo ku kala yaallay magaalooyinka dalka Faransiiska ayaa la xannibay isbuucan, iyadoo laga soo horjeeday qorsheyaasha dowladda.

Dowladda ayaa markii dambe iska laashay qorsheyaasheedii ku aadanaa isbadalka imtixaannada, balse mudaharaadeyaasha ayaa soo bandhigay 40 dalab oo kale.

Dibadyaxyadan ayaa loo bixiyay mudaharaadkii jaakadda jaallaha ah, maadaama dibad baxayaashu ay xiranyihiin jaakado jaalle ah oo loogu tala galay in la xirto xilliyada la marayo waddooyinka si ay baabuurta u arkaan qofka waddada maraya ugana taxadaraan.

Like it? Share it!

Leave A Response