Booliska Somaliland oo dad u xiray qarax ka dhacay laas-Caanood

by admin | Wednesday, Jan 13, 2021 | 343 views

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa howlgallo kala duwan xalay ka sameeyay Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kadib markii bam gacmeed lagu weeraray goob ay ka socotay diiwaangelinta cod-bixiyaasha soomaliland.
Weerarkaasi bambaano ayaa waxaa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan Booliska Soomaliland iyo qof Shacab ah, sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray Xarunta qaraxa lagu weeraray.

Howlgallada ayaa Ciidamada Soomaliland wararka la helay waxaa ay sheegayan inay ka sameeyeen aaga ay ku taallo Xarunta qaraxa lagu weeraray, isla markaana ay Ciidamada gacanta ku dhigeen dhowr qof oo lagu tuhmaayo qaraxaas.
Ciidamada ayaa sidoo kale goobjoogayaal sheegeen inay baarayeen guryaha qaar & gaadiidka, isla markaana uu howlgalka saameyn ku yeeshay isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga.
Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, waxaana Magaalada laas-caanood ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolka sool, iyada oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan soomaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response