Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay Nin ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay

by admin | Monday, Jul 26, 2021 | 251 views

Taliska Ciidamada Booliska degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa ay soo bandhigeen Xubin ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay sheegeen in uu isku soo dhiibay Cidiamada Booliska degmada.

Ninkan oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Maxamud Oo Magaciisa Afgarashada Yahay (Xudeyfa) ayaa waxaa la sheegay in muddo lix sano ah uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu kasoo Shaqeeyay degaano dhowr ah.

Taliska Booliska degmada Garbahaareey ayaa waxaa ay sheegeen in ay soo dhaweeyeen Ninkaan kasoo tegay Al-Shabaab, isla markaana ay ku wareejin doonaan laamaha kale ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ay ugu baaqeen Xubnaha kale ee weli ka tirsan Al-Shabaab inay isaga soo tagaan ayna kamid noqdaan dadkooda kaan faa’iideysaan cafiska Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan waxaa ay u soo bandhigaan rag uu midba midka kale ku sheego in uu isku soo dhiibay, kana soo tegay dadkii uu la Shaqeeynayay.

Like it? Share it!

Leave A Response