Booliska Talyaaniga oo Shaaciyay Magaca nin Soomaali ah oo weerar qaadi rabay

by admin | Tuesday, Dec 18, 2018 | 736 views

Ciidamada Booliska dalka Talyaaniga shaaciyay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cumar Mooshin Ibraahin oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Kooxda Daacish.

Booliska waxa ay sheegeen in uu qorsheeynaayay weerar ku qaado Kaanisad weyn oo ku taalla dalka Talyaaniga, islamarkaana weerar Isqarxin uu abaabulaayay.

Xarigiisa ayaa yimid, kadib markii markii uu sheegay in Xarunta Vatikanka ee Roma ay mudan tahay in la qarxiyo, xilli ay maqlayeen qaar ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda.

Wargeyska Republican ee kasoo baxa Talyaaniga waxa uu qoray in ugu yaraan codad laga qabtay Eedeysanaha lagu magacaabo Omar Moshin Ibrahim, kuna magac dheer Anas Khaliil , isagoo sheegay inay bambooyin ku xirayaan Kaniisadaha ku yaalla Talyaaniga, gaar ahaan Kaniisadda ugu weyn ee magaalladda Rome.

“25-ka waa Kirismaska, Kaniisadaha wey buuxaan, Noo oggolaada inaan Bambooyinka dhigno dhamaan Kaniisadaha ku yaalla gudaha Talyaaniga” ayaa laga soo weriyey inuu Eedeysanaha u sheegay saaxiibkiisa mar uu Telefoonka kula hadlay, waa sida uu qoray Wargeyska Republican.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in teleefankiisa laga helay Sawiro muujinaya Kaniisaddaha weerarka lagu qaadi rabay.

Like it? Share it!

Leave A Response