Boqorkii Cuudka – Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo u geeriyooday Coronavirus

by admin | Wednesday, Apr 8, 2020 | 468 views

Fanaankii, abwaankii iyo Muusikiistihii caanka ahaa ee Soomaaliya Axmed Ismaaciil Xuseen oo loo yaqaano Xudeydi, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka UK, halkaasi oo uu ku xanuunsanaa maalmihii dhowaa.

Xudeydi oo loo yaqaan “Boqorkii Cuudka”, ayaa waxaa ku dhacay cudurka Coronavirus, oo muddo toddobaadyo ah uu ugu jiray isbital.

Xudeydi ayaa noqday qofkii saddexaad oo caan ah oo Soomaaliyeed oo Coronavirus ugu geeriyooda magaalada London kadib Cabdulqaadir Maxamed Faarax Biriq, oo ahaa ciyaartooy hore iyo tababare, iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde.

Axmed Xudeydi, oo ku geeriyooday da’da 92 jirka, ayaa waxaa uu ahaa rug-caddaa lagu qadariyo heesaha Cuudka ama kuwa kabanka oo muddo ka badan 70 sano uu ku jiray.

Sidoo kale Axmed Xudeydi ayaa qaaday heeso kala duwan, waxaana kamid ah heesta Uurkii Hooyo iyo kuwo kale oo aad u badan.

Xudeydi ayaa isaga oo 14 jir ah aabihiis wuxuu u kaxeeyey xaflad ka dhaceysay magaalada Cadan ee dalka Yemen, halkaasi oo uu kula kulmay nin Carab ah oo cayaaraya Cuudka, kana jeclaaday. Aabihiis ayuu ka codsaday inuu u iibiyo, wuxuuna kadiba sida loo cayaaro ka bartay Cabdullaahi Qorshe, wixii markaas ka dambeeyana wuu garaacayey.

Like it? Share it!

Leave A Response