Burundi oo ku hanjabtay inay ciidamadeeda kala bixi doonto Soomaaliya

by admin | Friday, Feb 22, 2019 | 939 views

War kasoo baxay Dowladda Burundi ayaa lagu sheegay in Burundi dhamaan Ciidamada ka jooga Soomaaliya ay  kala bixi doonto hadii Midowga Afrika uu ku adkeysto Go’aanka ah  Kunka Askari ee la qorsheeyay in laga saaro Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa dhawaan Go’aan ku gaaray in Kun ka mid ah Ciidamada Burundi ee ka howlgalla deegaanada Hir-Shabeelle dib loogu celiyo dalkooda,hayeeshee waxa ay u muuqataa in dowladda Burundi aysan ku qanacsaneyn Go’aanka Midowga Afrika.

Afhayeen u hadlay dowladdaBurundi ayaa yiri’Burundi xilligaan diyaar uma ahan inay ciidamo kala baxdo Soomaaliya,balse hadii Midowga Afrika ku adkeystaan go’aankooda bixitaanka kunka askari anaguna dhamaan ciidamadeena waan la baxeynaa’

Sidoo kale Xukuumadda Burundi ayaa caddaalad daro ku tilmaantay in qorshaha haatan lagu doonayo in kunka ciidan ee ugu horreeya ee Soomaaliya laga saarayo ay dhammaan ka soo jeedaan Burundi, waxay sheegtay inay lumin doonto in ka badan hal milyan oo doollar bil gudaheed.

Heshiiska Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in ciidammada nabad ilaalinta ee tiradoodu ay ka badan tahay labaatan kun ay tahay inay isaga baxaan dalka isla markaana ay ammaanka ku wareejiyaan ciidamadda Soomaaliya,balse weli la aaminsan yahay in Soomaaliya aysan laheyn Ciidamo amaanka la wareega.

Like it? Share it!

Leave A Response