Burundi oo yareyneysa ciidamada ka joogo Soomaaliya

by admin | Saturday, Dec 22, 2018 | 742 views

Dowladda Burundi ayaa shaacisay in ay dhimeyso tiradda ciidamada ee ka joogo Soomaaliya kadib markii codsi uu kaga yimid Midowga Afrika, codsigaasi oo ahaa in Ciidamada u dhashay Burundi ay dalkooda hooyo u laabtaan in badan oo kamid ah.

Saraakiil u hadlay Burundi ayaa  sheegay in Ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya ee AMISOM in ay dhimi doonaan ilaamaa 28 bisha Febraayo sida laga codsaday.

“Soomaaliya waxaa inaga joogo Ciidamo gaaraya 5,400 waaxana nahay wadanka labbaad ee ciidamada ugu badan ugu deeqay Soomaaliya marka laga soo tago Uganda , waxaana inoo qorsheysan in ilaa 1,000 kamid ah ciidamadeena aan kala soo baxno, waana codsi ay midowga Afrika inaga codsadeyn” ayuu sheegay afayeen u hadlay ciidamada difaaca ee Burundi.

Waxa kale uu sheegay in ciidamada Burundi ee Soomaaliya joogo la gacan bidixiyeey , isaga oo carabka ku dhuftay in qalabka ay ku howlgalaan uu yahay mid liita marka loo eego qalabka ciidamada kale ee AMISOM ay ku howlgalaan.

Like it? Share it!

Leave A Response