C/Casiis xildhibaan Shan Maalin Ka Hor Ayaan Xilkii Iska Casilay”

by admin | Tuesday, Jul 10, 2018 | 1057 views

Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim xildhibaan ayaa waxa uu ku sheegay in lasoo gaarsiiyey Warqad ka timid Wasiirka amniga taas oo loogu sheegayay in xilkii looga qaaday.

Cabdi Casiis Cali Ibraahim xildhibaan ayaa sheegay ka sokow Warqada la soo gaarsiiyey ay jirtay in mudo shan Cisho kahor,iyada oo la wada joogo Godka Jilacoow in uu gudbiyey Warqad uu isku casilayo,kadib weerarkii lagu qaaday Xarunta Otta Otta oo ay ku yaalaan Xarumaha Wasaaradaha Amniga iyo gudaha.

Waxaa wax laga  weeydiiyey waxyaabaha isku-soo beegay Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga iyo isaga oo sheegay in  shan Maalin kahor uu is casilay ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Anigu qeyb kama naqanaayo dhibaatada dalka uu ku jiro,waxana idiin sheegayaa in dalka haatan uu marayo meel halis ah,wixii ku saabsan is casilaadeydana maalinta berito ah ayaan la wadaagi doonaa Warbaahinta.

Waa masuulkii ugu horreeyey e ka tirsan Wasaaradda Amniga ee dowladda hadda jirta ee sheega in uu shaqada uga tegay dhibaatada amnidarro ee xilligaan dalka uu ku jiro,oo ay ka mid yihiin weerarada tooska ah,dilalka qorsheysan,iyada oo ay jirtay in xalay weerarkii Sabtidii ee Xarumaha Wasaaradaha Amniga iyo gudaha loo xiray 14 Sarkaal oo ka kala tirsan Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska.

Like it? Share it!

Leave A Response