C/kariin Guuleed “Aniga iyo Fahad Yaasiin wax xiriir siyaasadeed nagama dhaxeeyo”

by admin | Tuesday, Dec 1, 2020 | 327 views

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo hadda ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa iska fogeeyay inuu xiriir kala dhaxeeyo isaga iyo Fahad Yaasiin Taliyaha NISA.

C/kariin Guuleed ayaa sheegay in isaga iyo Fahad Yaasiin ka sokow inay ahaayeen saaxibo muddo dheer soo wada shaqeeyay, balse aanay jirin wax xiriir siyaasadeed oo ka dhaxeeya.

Mr Guuleed ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhibane u ahaa hadal heyn iyo warar la isla dhex marayay oo ahaa inuu xiriir hoose kala dhaxeeyo Fahad Yaasiin, waxaana tuhunkaas uu soo bilowday markii sanad ka hor xilka Agaasimaha NISA loo magacaabay Fahad Yaasiin, waxaana Mr Guuleed uu ahaa ninka kaliya ee u hambalyeeyay saaxibkiis ee bartiisa Twitterka hambalyo ku daabacay, iyadoo la ogaa in Fahad iyo saaxibadiisa Dam Jadiid ay kala tageen markii Farmaajo la doortay, waxaana loo arkayay Cabdikariin Guuleed ka hor inta aanu Teamkiisii gooni uga bixin inuu ahaa fiilada kaliya ee kooxdiisa hore iyo Fahad isku xirtay.

Dhinaca kale C/kariin Guuleed ayaa sidoo kale sheegay inuu isaga iyo Xasan uusan wax xiriir siyaasadeed ah ka dhaxeyn, ayna labadooda yihiin saaxibo ka soo wada shaqeeyay arrimaha Waxbarashada.

Like it? Share it!

Leave A Response