C/Wali Muuddeey: “Dastuurkii saxda ahaa waa la xaday mid kale ayaan ku shaqeynaa”

by admin | Saturday, Apr 21, 2018 | 863 views

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Soomaaliya C/Wali Sheekh Muuddeey, ayaa sheegay in dastuurka hadda ay ku shaqeyso Dowladda Soomaaliya uusan ahayn dastuurkii ay ansixiyeen Ergada Soomaaliyeed.
Waxa auu ka hadlayay munaasibad lagu soo xirayay shirka dib u eegista Dastuurka oo ka dhacday Muqdisho ayuu ka sheegay in Dastuurka hadda jira uusan ahayn mid Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Dastuurka hadda jira uu yahay mid ay maalgashadeen dad ajannabi ah sidaas darteedna uusan u adeegeyn danaha Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Guddiga labada aqal ee dib u eegista Dastuurka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayuu ka codsaday in Dastuurka hadda shaqeynaya uu noqdo mid Soomaaliyeed oo uu ka ilaaliyo in uu noqdo mid aan loo xadin sida kii hore loo xaday oo kale.
C/Wali Muddeey ayaa sheegay in hadda dowladda Soomaaliya ay dhaqaale iyo maskax ahaan awooddo in ay sameyso dastuur Soomaaliyeed.

Isaga oo dirayay farriin hanjabaad u muuqatay ayuu yiri “waan ognahay cidda xadday Dastuurkii hore,haddii loo baahdana waa la heli karaa”,waxaa uu ku baaqay in dastuurka hadda dib u eegista lagu wado laga dhigo mid Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response