CABDI MAXAMUUD CUMAR IYO XUBNO KALE OO MAXKAMAD LA SOO TAAGAY

by admin | Wednesday, Aug 29, 2018 | 876 views

Wararka ka imanaya Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maanta Maxkamad la soo taagay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo xubno ka mid ahaa maamulkiisa.

Warbaahinta Dowladda ee FANA ayaa sheegtay in Maxkamadeynta Cabdi Maxamuud iyo xubnaha maamulkiisa ku jira ay maanta bilaabatay.

FANA,ma sheegin nooca Maxkamadda la soo taagay Cabdi iyo xubnaha kale ee ka soo muuqday maxkamadda kuwaas oo todobaadkan la xiray.

Kiiska Maxkamada ee loo heystay Raggan ayaa ah in ay dambi ka dhan ah xuquuqda aadanaha galeen intii ay maamulayeen dowlad degaanka.

Warbaahinta Dowladda Itoobiya ma sheegin xukun ama hadal kama dambeys ah oo ka soo baxay Maxkamadeynta maanta.

Xubnaha kale ee maanta Maxkamadda ka soo muuqday waxaa ka mid ah;

Abdijemal Kelonbi- Wasiirkii Caddaaladda
Rahma Mohammed – Wasiiraddii hore ee Haweenka iyo Carruurta
Ibrahim Mehd- Wasiirkii hore ee Waxbarashada
Dek Abdulahi –Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Biyaha
Ibrahim Mohammed Mubarek – Guddoomiyihii Jigjiga
Omer Abdi – Madixii Siyaasadda ee Xisbiga Dowlad degaanka Soomaalida.

Like it? Share it!

Leave A Response