Cabdi Maxamuud Cumar oo Dalbaday Cafis lagu sii daayo.

by admin | Friday, Sep 28, 2018 | 788 views

Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno katirsanaa Maamulkiisa ayaa maanta markale la horgeeyay Maxkamad ku taalla Magaalada Addis Ababa.

Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa Guddiga baaritaanada ku haya Kiisaska ay ku eedeysan yihiin Xubnaha xiran ugu sii dartay 10-Cishe oo dheeraad ah.

Cabdi Maxamuud oo kahor hadlay Maxkamadda ayaa sheegay in wali ay dhibaatooyin ku qabaan Xabsiga, waxa uu codsaday in wax laga qabto.

Waxyaabaha ugu badan ee ay ka cabanayaan waxa uu ku sheegay in ehelada dadka qaar ee isaga la xiran lagu qasbo in ay kula sheekeesaan Maxaabiista Af Amxaariga si Ilaalada Xabsiga ay u fahmaan waxa ay kawada hadlayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aan waqti badan arkin Cad-ceeda, taasine uu u baahan yahay in wax laga qabto sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiye Axmed ayuu ka dalbaday in uu Cafis ku sii daayo isaga iyo Xubnaha la xiran.

Cabdi Maxamuud iyo Shaqsiyaadka lasoo shaqeeyay ee la xiray ayaa horay Maxkamadda loogu geeyay 14-kii bishaan, waxaana Xeer ilaalinta Horay ayay Maxkamadda loogu geeyay, 14-cishe oo dheeraad ah ayaa xiligaas loo siiyay Guddii loo xilsaaray Kiiskiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response