Cabdi Maxamuud oo laga dejiyay Itoobiya

by admin | Wednesday, Aug 8, 2018 | 946 views

Diyaarad Millatari oo nuuca Helicopter-ka ah ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxa ay ka dejisay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo laba maalmood ka hor xilka ku wareejiyay Axmed Cabdi Maxamed Ilkacase.

Ciidan hubeysan oo ka tirsan Millatariga Itoobiya ayaa shalay jirdil kadib waxa ay magaalada Jigjiga ka kaxeeyeen Cabdi Maxamuud waxayna u duuliyeen dalka Itoobiya.

Waxaa la sheegay in Madaxweyne Cabdi Maxamuud markii la geynayay Itoobiya ay la socdeen saraakiil ka kala tirsan Ciidanka Liyuu Boolis iyo kuwa Itoobiya, balse ilaa hadda si dhab ah looma oga xaalada uu ku sugan yahay Cabdi.

Suldaan Cabdullaahi Bashiir oo ka mid ah Odayaasha ku dhaqan magaalada Jigjiga ee sida aadka ah ula socday markii la kaxeynayay Cabdi Maxamuud ayaa yiri “Wallaalow waxa ka socda Jigjiga wax la sheegi karo ma ahan, Ciidanka Millatariga Itoobiya oo tiro ahaan gaaraya 6,000 oo askari ayaa isku geedaamay guriga Cabdi Maxamuud, kahor inta aysan kaxeysan ayay six un u jir dileen, waxay u garaaceen si arxan daran, kadibna way kaxeysteen, magaalada dadkii ku noolaa waxay noqdeen kua cararay iyo kuwa la dilay, kuwa yar ee harayna hada ayay barakacayaan, waxaan codsaneynaa in gurmad lala soo gaaro dadkan.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud ee la geeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi Maxkamad lagu soo taagi doono.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa waxay qabaan in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali uu gacanta ku dhigo Cabdi Maxamuud ay u sahashay isaga oo ka faa’ideysanaya kala qeyb sanaanta shacabka Soomaaliyeed, balse hadii ay Soomaalida isku xirnaan laheyd aysan sidan wax u dhici laheyn.

Like it? Share it!

Leave A Response