Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Cabdi Xaashi oo soo saaray habraaca doorashada Xildhibannada labada gole ee Gobolada Waqooyi!{AKHRISO}

by admin | Thursday, Nov 19, 2020 | 358 views

Guddoomiyaha Golaha  Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu yahay “Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya  (Somaliland).

Qoraalka uu soo baxay Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay  in, iyada oo la tixgelinayo duruufaha gaarka ah ee doorashada Xildhibaannada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi kaga duwan yihin doorashooyinka kale ee ka dhacaya dalka intiisa kale oo uu kajiro Maamul goboleed lagana jawaabayo walaaca & kalsooni darrada ay ka qabaan  musharixiinta kuraasta Baarlamaanka & musharixiinta Madaxweynaha ee doorashada 2021 lana raacayo heshiiskii doorashada oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo & dowlad Goboleedyada lagana tashtay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi uu soo saaray hanaanka maamul iyo  habraaca doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi.

Cabdi Xaashi ayaa qoraalkiisa ku shaaciyay shuruudaha lagu soo xulayo guddiyada doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, Asteynta kuraasta xildhibaannada kasoo jeeda gobolada Waqooyi, habraaca xulista Ergooyinka dooranaya Golaha Shacabka & Aqalka Sare, dhismaha maamulka sare ee degaan doorashada, korjogteynta doorashada iyo amniga Goobta doorashada iyo shuruudaha looga baahanyahay qof is sharaxaya.

Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi ee uu soo saaray guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu horay u Magacabay guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, hayeeshee Guddoomiye Cabdi Xaashi uu kasoo horjeestay.

Like it? Share it!

Leave A Response