Cabdiwali Gaas’’ Puntland waxey diyaar u tahay in ay dhulkeeda difaacato

by admin | Thursday, May 17, 2018 | 1118 views

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-Raq ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay difaacato dhulkeeda.

Wuxuu sheegey in Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha maamulka Soomaaliland uga digayo sida uu hadalka u dhigay weerarka uu ku hayo deegaannada Puntland.

‘’Waxaan rabaa Muuse Biixi iyo dowladdiisa gooni-goosadka ah in aan u sheego in Puntland diyaar u tahay in ay dhulkeeda difaacato, iska celiso cid kasta oo ku soo duusha, waxey ku socdaan xaq darro dhul aysan laheyn ayeey rabaa in ay xoog ku qabsadaan, suurtagalna ma’aha ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Puntland sida uu hadalka u yiri in ay u diyaar-garoobaan difaaca dhulkooda’’ Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka reer Puntland in ay u diyaargaroobaan difaaca dhulkooda, in ay u diyaargaroobaan dagaal, in ay u diyaargaroobaan in ay sharaf ku noolaadaan, waad ogtihiin Muuse Biixi halka uu ka yimid, Hargeysa ayuu ka yimid, waxaa uu rabaa in uu Tuka-raq isaga oo jooga nabad ku naaloodo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gaas.

Madaxweyne Muuse Biixi oo dhawaan ka hadlay dagaalka deegaanka Tuka-Raq ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay qeyb ka tahay isaga oo sheegay in Somaliland diyaar u tahay dhinaceeda in ay is difaacdo.

Marka la eego fariimaha labada dhinac ay hawada isku marinayaa waxaa muuqanaya in ay wali jirto colaada gobolka oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Dhinaca kale waxaa jira baaqyo nabadeed oo loo jeedinayo labada maamul, kuwaa oo codsanaya in la joojiyo dagaalka wixii khilaaf ah ee jirana wada hadal lagu dhameeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response