CAJIIB: Halyeygii Reer England Gary Lineker Oo Liiska Binu-aadamka Ka Saaray Lionel Messi

by admin | Tuesday, Oct 2, 2018 | 995 views

Halyeygii hore ee xulka qaranka England ee Gary Lineker ayaan xadkeeda dhaaftay huwiyey xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Gary Lineker  oo waraysi siiyey telefishanka Barca Tv ka hor ciyaarta Tottenham iyo Barcelona ee Arbacada, ayaa waxa uu sheegay in Leo Messi uu yahay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee abid dunida soo mara, isla markaana aanu la mid ahayn binu-aadamka caadiga ah.

“Waa ciyaartoygii ugu fiicnaa ee abid xidha kabaha kubadda. Waxa uu u muuqdaa sidii uu kubadda meel fog ka arkayo, isla markaana uu ciyaarayo. Ma aha binu-aadam.” Sidaas ayuu yidhi Gary Lineker.

“Waligii ma sameeyo been-abuur ama buunbuunin, waxaanu tusaale wanaagsan u yahay kubadda cagta dunida iyo shaqsi kasta oo da’yar oo kubadda ciyaara.” ayuu mar kale yidhi Gary Lineker .

Dhinaca kale, Gary Lineker  waxa uu amaanay kooxda Barcelona oo uu tilmaamay inay iskugu jirto ciyaartooyo dhallinyaro ah iyo khubaro, taasina ay fure u noqonayso inay ku guuleystaan tartamada.

“Kooxdu waxay ka kooban tahay dhallinyaro iyo khubaro, waxaanay taasi fure u tahay tartanka iyo tababaraha oo keenay isku-duubni joogto ah.” Ayuu mar kale yidhi.

Gary Lineker  ayaa wakhtigii uu kubadda ciyaari jiray waxa uu taariikh ku samaystay kooxaha Barcelona iyo Gary Lineker  iyadoo uu xulka qaranka England ka mid yahay xiddigihii ugu wanaagsanaa ee soo maray.

Like it? Share it!

Leave A Response