Cali Geedi oo sheegay in uu ku dhawaaqayo Xisbi Mucaarad ah

by admin | Monday, Oct 7, 2019 | 731 views

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dhawaan uu Magalada Muqdisho kaga dhawaaqi doono Xisbi Cusub oo waliba mucaarad ah.

Isaga oo Maanta khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu soo dhaweeynayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayuu sheegay in uu hoggaamin doono Xisbigaas uu noqon doono mid mucaarad ah,kaas oo lagu dhawaaqi doono Maalinta Arbacadaha ah ee todobaadkaan.

Waxaa uu sheegay in Xisbiyada Siyaasada dalka ay yihiin kuwo sharciga uu ogol yahay,isla markaana Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen sidoo kalena uu uu Digreeto ku ansixiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa imaanaya xilli lagu tirinayay siyaasiyiinta aad ugu dhow Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response