Cambaarayntii Xamaas lala damacsanaa oo fashilantay

by admin | Friday, Dec 7, 2018 | 888 views

Qaraar uu Maraykanku horkeenay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo lagu cambaarayn lahaa gantaalada ay Xamaas ku tuurto Israa’iil ayaa guul darraystay.

Qaraarkan waxaa ogolaaday 87 dal waxaana diiday 57 halka 33 dal ay ka aamuseen, wuxuuna sidaas ku waayay tiradii looga baahnaa ee saddex meelood labo meel.

Nikki Haley Ergayga Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay  ayaa sheegtay in ay arrintan ay garab istaag u tahay “taariikh dii soo jireenka ahayd ee khaldanayd” maadaama oo Qaramada Midoobay aysan waligeed cambaarayn caynkan ah jeedin.

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa sheegay in tallaabadan ay “dhirbaaxo” ku tahay madaxweyne Trump

Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in inkastoo aan la helin saddex meelood labadii loo baahnaa haddana in ay tahay markii koowaad  dalalku ay aqlabiyad uga soo horjeedsadaan Xamaas.

Like it? Share it!

Leave A Response