Canada oo qaadeysa Qaxooti dhan 45kun.

by admin | Saturday, Jun 19, 2021 | 328 views

Dowladda Canada ayaa ogolaatay in ay aqbasho qaxooti dhan 45,000 (Afartan iyo shan kun) oo codsaday in ay qaado si ay ula midoobaan ehelkooda oo ku nool Dalkaas inta aanay dhamaan sanadkaan 2021.

Wasiirka Arrimaha Qaxootiga Canada Marco Mendicino ayaa sheegay in qorshaha dalkiisu ahaa qaadista 23,000 oo qaatay kaararka qaxootinimada balse markii ay qiimeeyeen xaaladaha ku gedaaman qoysaskaan ay ka dhigeen 45,000.

“Waxa aan rajeyneenaa in aan socdaalka u fududeyno waana lama huraan in aan qiimeyno xayiraadda ka dhalatay kahortagga Faafitaanka Covid-19” ayuu yiri Mendicino isaga oo si gaar ah ula jeeday Qoysaska Qaxootiga la qaadayo.

Wasiirka Qaxootiga Canada oo xafiiska kala wareegay Axmed Xuseen oo asal ahaan ah Soomaali 20 November 2019 ayaa ballanqaaday in uu fududeyn doono dib u midoobidda qoysaska kala xayiran ee damacsan in ay ku midoobaan Canada.

Canada ayaa kaalin ka qaadaneysa dib u mideynta qoysas ku kala xayiran Xeryaha Qaxootiga iyo gudaha Dalkaas kadib markii diiwaanka codsiga qaadistooda ay u gudbiyeen Dowladda si ay dib ugu midoobaan.

Like it? Share it!

Leave A Response