Carruur walaalo ah oo miino kula qaraxday gobolka Togdheer

by admin | Saturday, Aug 6, 2022 | 443 views

Saddex Carruur oo walaalo ah ayaa miino kula qaraxday meel u dhaxaysa deegaanada Habuura iyo Sibidhley ee Xuduudka Togdheer.

Sidoo kale  6 ruux oo kale ayaa dhaawacmay ka dib markii shil labaad ah uuna sababay Gaadhigii Gurmadka degdeg ahaa oo ay isku dhaceen Xaajiyad Rakaab ah oo kale Deegaanka Balli Hiile.

3 Carruurta walaala ah oo xoolo jir ahaa ahaa ayaa mid ka mid ah halkaasi ku naf waayey halka labadii kale ay dhaawac yihiin.

Khasaaraha ayaa sii kordhay ka dib markii gaadhiga Umbulanceka degmada Dhoqoshay oo siday dhaawaca uu galay shilka labaad.

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Togdheer Dr Maxamed Yuusuf ayaa  sheegay in ay mar kale gurmad ugu tageen Balli-hiile dadka dhaawaca ah goor dhaweydna la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka weyn ee Burco 8 qof ee dhaawaca ah oo qaarkood ay yihiin helada 3 carruurta ahayd ee Miinadu la kacday.

Like it? Share it!

Leave A Response