Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Kadib markii kooxdiisa ay wax guul gaari weysay shan kulan oo xiriir ah, Julen Lopetegui ayaa doonaya inuu cadaadiska saaran iska dajiyo kulanka ay gurigooda kusoo dhaweynayaan kooxda Viktoria Plzen, waana kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub. Sida warbixinta lagu sheegay macalinka reer Spain wuxuu galabtii Axadda aheyd ku mashquulay kaliya inuu naqshadeeyo qorshahii...

ayaa bilaabaya baaritaan kadib markii safkiisa hore ka hor kulanka Chelsea si xatootoyo ah loogu gudbiyay baraha bulshada saacado ka hor waqtiga rasmiga ah, waxaana shaki laga qabaa in mid ka mid ah xidigaha ama shaqaalaha tababarka uu gudbiyay. Red Devils ayaa u dhawaatay iney guul ku hesho garoonka Stamford Bridge markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2012 markas oo...

Waxa todobaadkan la ciyaari doonaa tartanka champions League todobaadkiisii 3-aad iyada oo la ciyaari doono kulamo xiiso leh oo si weyn loo sugayo kana mid yihiin kulamo waaweyn. Tartanka champions Leageu ayaa ah mid si weyn xiiso u leh sanadkan iyada oo kooxaha ka qayb galay tartanku ay dhamaantood isku diyaarinayaan in ay ku guulaystaan sanadka. Hadaba waxa aan muuqaalkan...

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona, Ernesto Valverde ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaadhay kabtanka kooxdiisa Lionel Messi iyo saamaynta maqnaanshihiisu ku yeelan doono. Messi ayaa la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo saddex toddobaad ah, kulanka ugu weyn ee uu seegi doonaana waa ciyaarta aadka loo sugayo ee El Clasico oo ay la ballansan yihiin Real Madrid...

Goolhayaha Kooxda Barcelona ee Marc-André ter Stegen ayaa xalay adduunka kaga yaabsaday badbaadin adduun kale ka timid oo uu sameeyay intii lagu jiray kulankii Sevilla. Goolhayaha reer Germany ayaa sida shabeelka isku kala jiiday si cajiib ahna u badbaadiyay gool shabaqiisa galayay ka hor inta uuna mar kale si deg-deg ah u kicin hadana Sevilla ka hor istaagin gool kale. Hadaba...

Sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey, horyaalka waxa si wada jir ah u shidi jiray oo hoggaamiyeyaasha Barcelona iyo Real Madrid ahaa Messi iyo Ronaldo, kuwaas oo kaliya aan koobabka iyo kooxahooda oo kaliya ku tartamaynin, hase yeeshee loollankooda kale ahaa ku guuleysiga abaal-marinada shaqsiga ah oo ay si is le’eg u qaybsadeen xiddignimada Ballon d’Or. Xagaagii ayaa...

Cristiano Ronaldo waa boqorka baraha bulshada sida lagu ogaaday xog aruurin la sameeyay oo cadeyneysa sida uu qof walba uga sarreeyo tirada taageerayaasha uu ku leeyahay caalamka oo dhan. Sahankii la sameeyay waxaa lagu soo bandhigay sida uu CR7 uga sarreeyo ciyaartoyda kubadda cagta, ciyaartoyda kale ee ciyaara ciyaaraha kala duwan, shaqsiyaadka caanka ah iyo xitaa dadka...

Weeraryahanka Paris Saint Germain [Neymar Junior] & atariishada caanka ah ee reer Brazil [Bruna Marquezine] ayaa kala haray sida ay saxaafadda u xaqiijisay Bruna oo sidoo kale ka hadashay hadii ay ku kala hareen arrimaha siyaasadda dalkooda iyo ku kala qeybsanaanta doorashooyinka. Bruna oo 23-jir ah ayaa saxaafadda hor timid isla markaana u xaqiijisay wax walba oo...

Kabtankii hore Man United [Wayne Rooney] ayaa shaaca in ciyaartoyda heerka sare ee kooxda ay gacanta ku hayeen qolka labiska intii lagu jiray waqtigii ay kooxda sida weyn u daldalneysay inta ugu badan koobabka ay u tartantay. Gooldhaliyaha ugu sarreeya Red Devils kaas oo kula guuleystay kooxdiisa shan horyaal, sidoo kalana la qaaday labada koob ee yurub ugu waaweyn Champions...

Waxaa maanta shaashadaheena ku soo laabanaya tartamada horyaalada Yurub ka dib markii la soo laabtay ciyaarihii caalamiga, kulanka ugu adag isbuucaan waxa uu duhurnimada maanta ka dhacayaa garoonka Stamford Bridge marka ay Chelsea soo dhaweyso kooxda Manchester United. Jose Mourinho oo cadaadis badan uu saaran yahay ayaa booqanaya garoonkiisii hore isagoo rajeynaya inuu...