Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

In ka badan 21 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar degdeg ah gudaha Itoobiya, halkaas oo ay ka sii darayso xaalad cunto yaraan. Qabanqaabiyaasha ayaa sheegay ka hor shirka in aysan fileynin in ay soo uruuriyaan lacagta oo dhan , laakiin ay bilaabaan xiritaanka farqiga u dhexeeya baahiyaha iyo maalgelinta. “Waan fahansanahay in tani ay bilow tahay, waxaana rajeyneynaa...

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa weerar ku qaaday fariisin Al-Shabaab ay ku lahaayeen degmada Bardaale ee gobolka Baay. Duulaanka la beegsaday ayaa ka dhacay deegaanka Taflow oo qiyaastii 28 KM dhanka koonfureed kaga beegan degmada Bardaale, halkaasi oo ay fariisimo ka sameysteen maleeshiyaad hubeysan. War ka soo baxay dowladda...

Maamulka Degmada Buur-Hakaba ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan dagaal beeleedyo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada, iyadoo dadaallo wada jir ah ka dib la heshiisiinayay dhinacyadii dagaalamay. Iska hor imaadka ayaa sababay dhimashada dadbadan , iyadoo qaar kalena ay guryahooda ka carareen kadib markii uu dagaalku dhacay. Tani waxay sidoo kale saamaysay qaab...

Wararka aan ka heleyno deegaan lagu magacaabo Hulkujir oo hoostaga degmada Xeeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi uu ka dhacay dil loo geystay Nin kamid ahaa dadka deegaanka Hulkujir. Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah oo watay qori AK-47 ayaa dilka u geystay Nin sida la tilmaamay xoolo dhaqato ahaa, kaasi oo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha...

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA) Philippe Lazzarini ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in “duqeymaha Israel iyo go’doominta naxariis darada ah ay u beddeleen Gaza oo aan la aqoonsanayn”, iyo “bini’aadantinimada” ay “ku baahday” dagaalka. Todobo qof oo ay ku jiraan...

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dagaalka ayaa u dhaxeeya maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo ku dagaalamay deegaano u dhaxeeya Moqokori iyo Aadan Yabaal. Maamulka...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare badan geystay oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dagaalka u dhaxeya labada Maleeshiyo beeleed oo kala ah Xawaadle iyo Abgaal ayaa intiisa badan ahaa mid maleeshiyaadka si ku dhufo ka dhaqaaq ah isugu weerarayeen. Lix...

Ugu yaraan 75 qof ayaa Soomaaliya ugu dhintay cudurka daacuunka tan iyo bishii Jannaayo iyadoo ay sare u kaceen kiisas cusub, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya. Wadarta 7,235 xaaladood oo cusub ayaa ilaa hadda la soo sheegay, Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Aadanaha ayaa sheegtay, iyadoo raacisay in kiisaskan, 4,647, ama 64 boqolkiiba, lagu sifeeyay...

Howl-galkii Bankiga Horumarinta Afrika oo saddex maalmood ka socday magaalada Muqdisho ayaa la soo gebagebeeyey , iyadoo laga wada hadlay qiimeynta iyo horumarinta ujeedooyinka horumarineed ee Soomaaliya. Wafdigan oo ay hogaaminayaan Bubacarr Sankareh iyo Edward Sennoga, ayaa soo gebagebeeyey Warqada Istaraatiijiyadda Dalka Ku Meel Gaarka ah (I-CSP) ee 2022-2024 waxayna...

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay ansixiyeen lacag dhan 116.9 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya. Lacagahan oo ay ansixiyeen Guddiga Siyaasadda iyo Amniga ee Golaha Midowga Yurub Talaadadii, ayaa lagu taageerayaa hannaanka kala guurka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo qaybta milateri ee Ciidanka Midowga...