Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo qorsheysan ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug, waxaana la sheegay in lala beegsaday fariisimo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda howlgallada...

Dadka Kenyaanka ah ee ku nool qeybo kala duwan oo dalka ka tirsan ayaa tirinaya khasaara lixaad leh iyadoo daadad xooggan ay weli sii wadaan burburinta hantidooda. Arbacadii todobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda Kenya ay ka dhawaajisay qeylo dhaan ka dhalatay biyo xireenka Masinga ee ku soo daatay. Dhaamkan oo ah kaydka ugu weyn ee kaydka biyaha ee wax soo saarka...

Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka duumada, iyadoo hoos u dhigtay heerka faafitaanka cudurka oo ahaa 20.1% 2015 ilaa 4.1% 2023 meelaha ay sida weyn u saameysay, Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sidaas sheegtay. Guushan, ayay WHO tiri, waxaa lagu xaqiiqsaday hirgelinta “wax ka qabashada cudurrada isku dhafan oo ay hormuud ka tahay...

Wabiga Habelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku fatahay deegaano ku dhow dhow magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa sheegay in fatahaadaha ay saameeyeen deegaano badan oo ay ka mid yihiin Baarey, Mareerey, Kuukaay, Mandheera,...

Sanduuqa gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya ee ay taageerto deeq-bixiyayaasha caalamiga ah (SHF), oo loogu talagalay in wax looga qabto baahiyaha ugu daran ee dalka ka jira, ayaa u qoondeeyay 3 milyan oo Doollarka Mareykanka ah si wax looga qabto fatahaadaha la filayo, Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii sheegtay.   Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada...

Kenya ayaa dhaafi doonta Angola si ay sanadkan u noqoto dalka afaraad ee ugu dhaqaalaha badan wadamada Saxaraha ka hooseeya, waxaana ka dambeeya Koonfur Afrika, Nigeria, iyo Itoobiya, sida ay saadaalisay hay’adda lacagta adduunka ee IMF. Saadaasha ayaa u aragta Kenya in ay sii haynayso booskaas ilaa dhamaadka 2029ka. Sannadkii hore, GDP-ga Kenya waxaa lagu qiyaasay inuu...

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan saacado badan qaatay oo ay gudaha dalka Kenya kula yeesheen Saraakiil sar sare oo ka socotay Wasaaradda Difaaaca dowladda Maraykanka. Kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi waxa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ku wehlinaayay...

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa saaxibada Caalamka oo is kaashanaya ayaa saacadahii lasoo dhaafay duqeymo dhanka cirka ah Ka fuliyay deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeellaha dhaxe iyo Mudug. Duqeynta koowaad oo ka dhacday deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la sheegay in lala eegtay guri ay ku shirayeen masuuliyiin ka tirsan kooxda...

Ugu yaraan 16 qof ayaa dhimatay kadib markii dooni ay ka soo raaceen Yemen ay ku dagtay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee Qaramada Midoobay Salaasadii. Qoraal ay IOM soo dhigtay barteeda X oo hore loo odhan jiray Twitter-ka ayay ku tidhi “Musiibo doon ku dagtay xeebaha Djibouti oo ay saarnaayeen 77 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku...

Daadad ay dad badan ku dhinteen ayaa dhibaato ba’an ku haya qeybo badan oo ka mid ah Bariga Afrika oo ay ku soo wajahan yihiin roobab mahiigaan ah, iyadoo Burundi ay ku baaqday gargaar caalami ah si wax looga qabto dhibaatooyinkaasi. Harada Tanganyika ee kor u kaca biyaha ayaa xoog ku galay dekedda Bujumbura, oo ah caasimadda dhaqaalaha Burundi, taas oo hakad gelisay...