Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay halka labo kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari yar oo ay wateen uu qarax la kulmay. Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaceysa Jaamacadda Lafoole iyo degaanka Carbiska,halkaas oo ay marayeen. Goobjooge ka mid ah dadka degaanka ayaa u sheegay  warbaahinta   in Qofka la beegsaday lagu magacaabo Shacbaan,kaas oo uu sheegay in uu ka mid...

Maj. Gen RTD Gordon Kihalang oo ah Xoghayaha Socdaalka, Xuduudaha, iyo diiwaangelinta dadka ee dalka Kenya ayaa qiray inuu socdo baaritaan la xiriira sida uu ku helay baasaboorka Kenya, Fahad Yaasiin oo bartamihii bishan loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Daily Nation. Fahad Yaasiin ayaa heysta Baasaboor...

Wararka naga soo gaaraya degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in degmooyin ka tirsan maanta aan laga ciidin. Degmada Guriceel iyo degmooyin kale oo ka tirsan Galmudug ayaa dadku maanta soo man yihiin. Madaxa Garsoorka degmada Guriceel ayaa ku dhawaaqay in ay maanta soo man yihiin, islamarkaana ay kasoo horjeeddaan in maanta...

Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha shabakada Reegaay.com  waxay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan kuwa musliminta ugu hambaleyneysa munaasabadda ciidul Axda.Umadda muslimiinta waxaan alle uga bareynaa in sannadkan kiisa kale ku wada gaarno bash bash iyo barwaaqo. Ciid wanaagsan  . ...

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Sheekir Cali Xassan oo magaalada Dhuus-mareeb kula kulmay Ifrah Ahmed oo ah gabar u olaleysa ka hortaga gudniinka fircooniga, xili ay booqatay hay’adda Ifrah Foundation qoyskii ay ka geeriyootay Deeqa Daahir Nuur oo sababsatay dhiigbax ay ka dhaxashay gudniin lagu sameeyay. Sheekh Shaakir ayaa sheegay in gudniinka fircoonigu...

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabelle islamarkaana ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda ayaa waxaa uu Hambalyo ku aadan Munaasibadda Ciidul Adxaa u diray dhammaan umadda muslimiinta iyo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha farxadeed awgeed loo baahan yahay...

Koox hubeysan ayaa maqribnimadii caawa waxa ay xaafada Baar Ha’idhafin qeybta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku dileen wiil dhalinyaro ahaa, sida ay inoo sheegeen Hay’adaha ammaanka. Warkan waxaa warbaahinta  u xaqiijiyay Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Waaberi, wuxuuna tilmaamay in lagu daba jiro dableyda dilka geysatay oo baxsatay. Dad ku...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaal degaya munaasabadda Ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo. “Maalmahan barakaysani...