Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu Khamiista nagu soo aaddan ee ah 23ka Agoosto 2023 isu dhiibayo maamulka Gobolka Georgia si loogu soo oogo dacwado la xiriira in uu si sharci darro ah u abaabulay tallaabooyin uu doonayay in uu meesha uga saaro saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee dhacday 2020. Trump ayaa dhowaan lagu soo oogay dacwaddaan...

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybta Dowlad-Goboleedka Galmudug, Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa ciidamada Xoogga uga digay in ay ridaan xabbado bilaa micno ah iyo in ay hubka ku qaataan gudaha Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. G/Dhexe Cabdullaahi Abuukar waxa uu guutada Cumar Bin Khadaab uga digay in ciidamada gacanta ku haya Magaalada...

Dayax gacmeed lagu magcaabo Luna-25 oo Ruushku leeyahay ayaa ku dul burburay dayaxa dushiisa, sida ay sheegtay wakaaladda sahanka hawada sare ee Ruushku. Wakaaladda ayaa sheegtay in si aan hore loo sii saadaalin uu u dhaqaaqay dayax-gacmeedku, ka dibna la waayay isgaadhsiintii lagula xidhiidhayey, isaga oo ugu dambayn ku dhacay oogada sare ee dayaxa. Sabtidii ayay ahayd,...

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin oo Warbaahinta la hadlay ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidamada iskaashanaya ay kawadaan deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug gaar ahaan Gobolka Galgaduud. Wasiir Xasan ayaa Shacabka ku nool deegaannada ay weli ku sugan yihiin ‘AS’ ugu baaqay in aanay guryahooda ka barakicin...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasoo aroorninadii hore e Saakay ka dhacay agagaarka Isgoyska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho. ⓘ Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari noociisu Soomaalida u taqaan Leylo Calaawi ayaa ku qarxay Isgoyska Ifka Xalane oo nawaaxigiisa ay...

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ka mid ahaa dadweyne dhigaayay banaanbax looga soo horjeedo xariga Jenaraal Sheegoow ayaa geeriyooday laba kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay rasaas ku fureen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugna xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne. ⓘ Banaanbaxa oo ahaa mid aad u balaaran oo ay dhigayeen qeybaha kala duwan...

Maanta ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo shalay ka furmay magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Wararka laga helayo shirka Kulmiye ayaa sheegaya in la filayo in kulanka musharrax madaxweyne loogu dooran doono madaxweyneha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halka madaxwyne ku xigeenna loo dooran doono Maxamuud Xasan Sacad Saajin...

Wasiirka isgaarsiinta iyo teknooljiyada xukuumadda Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka hadlay sababta ugu weyn ee ay dowladdu u xirayso isticmaalka baraha bulshada, sida Tiktok, 1xbet iyo Telegram. ⓘ Wasiirka isgaarsiinta ayaa sheegay Dowladda inay dhibaato weyn ku qabtay isticmaalka baraha bulshada. Wuxuua si gaar ah farta ugu fiiqay shabakada 1xbet oo ah...

Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya falcelinta ka dhalatay xarigga loo geystay Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo maalin kahor ciidamada dowladda ay kasoo xireen xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley, kadib dagaa qaraar oo ka dhacay halkaasi, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, Arrintaan ayaa sidoo kale keentay carro xoogan iyo kacdoon banaanbaxyo ah oo...

Madaxweynaha dalka Pakistan Arif Alvi ayaa Axaddii sheegay inuu diiday inuu saxeexo laba hindise sharciyeed oo ay soo ansixiyeen baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo la sheegay inay kor u qaadayaan awoodda dacwado loogu soo oogi karo, dadka loo arko inay ka soo horjeedaan milateriga dalkaas iyo weliba arrimaha dhinaca amniga qaranka. Madaxweynaha Pakistan ayaa bartiisa X, ee...