Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ay gaaraan degmada Luuq ee gobolka Gedo. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa ka socota degmada Luuq, waxaana halkaasi horey usii gaaray masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Jubbaland. Madaxweyne...

Taliska ciidanka Danab ee Puntland ayaa beeniyay inay wadaan dhadhaqaaqyo ciidan oo mar kale sababi kara inuu dagaal ka dhaco magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. ⓘ Bayaan kooban oo xalay kasoo baxay Danab ayaa lagu sheegay in aan dadka lagu barakicin warar been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Hadalka taliska ciidanka Danab kasoo baxay ayaa kusoo aaday,...

Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana dhawaan Muqdisho uga qeyb galay shirkii uu madaxweyne Xasan Sheekh isugu yeeray madaxdii hore ee dalka ayaa si faahfaahsan uga hadlay mowqifkiisa ku aadan khilaafka ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyahii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan. ⓘ Dr....

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo xalay marti ku ahaa barnaamij Twitter Space ah oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed uu qabtay ayuu ku soo bandhigay qorshaha dowladda hanashada amniga qaranka. Xuseen Sheekh ayaa aad u sharaxay qorshaha dowladda ee dhinacyada la wareegidda amniga qaranka, bixitaanka ciidanka ATMIS, qaadidda cunaqabateynta...

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo axad ah u fariisatay dacwad ka dhan ah 36 Eedeysane oo ajaanib ah, kuwaasoo horay ay u xukuntay Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir. ⓘ Eedeysanayaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkooda, taasoo keentay in mar kale maanta la dhageysto dacwadooda. Kalluumeysatadan oo u kala dhashay dalalka Iran iyo Pakistan...

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay qaadayso tallaabooyin lagu nidaaminayo qeybaha kala duwan ee caafimaadka, sida dawooyinka, qalabka caafimaadka, bayoolajiga, daawo dhireedka, iyo kuwa la isku qurxiyo, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo nidaamka caafimaadka qaranka. ⓘ Wasaaraddu waxay warkan ku sheegtay bayaan ay soo saartay, iyadoo...

Ciidamo ka tirsan Booliiska maamulka Hirshabeelle oo ka gadoodsan Mushaar la’aan afar bilood ah ayaa xirtay goordhaw wadada dheer ee Laamiga oo halbowle u ah isku socodka magaalada Baledweyne. ⓘ Ciidamadaan ayaa hakad galiyay mudo saacado ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wada laamiga ah gaar ahaan afaafka hore ee Saldhiga Booliiska Baledweyne, kuwaas oo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Ganaraal Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan ku saabsan dardaaran iyo dhiiraglin la qaatay saraakiisha iyo ciidanka Booliska ee  u xil saaran ilaalinta...

Ciidamo ka cabanaya mushuur la,aan oo xeratay qaar ka mid ah wadooyinka baladeyne. ...

Laba wiil oo dhallinyaro oo saaka u dabaal tagay xeebta halka lagu magacaabo Geellaq ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa barqadii maanta meydadkooda laga soo saaray biyaha bada oo ah kuw aad u kacsan. Dad ku sugnaa xeebta Geellaq ayaa waxa ay kusoo warrameen in mid kamid ah labada wiil ay markii hore badu qaaday, balse mid kalena oo la socday ayaa isku dayay...