Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Raysal wasaaraayashii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta soo saaray talo soo jeedin ku aadan habka loo wajahayo doorashooyinka Puntland. ⓘ Talo soo jeedintooda waxay ku sheegeen in aan xilligan jirin sabab loo furo dastuurka Puntland. Waxay kaloo sheegeen in ay muhiim tahay in ilaaliyo doorashada madaxweynaha...

Guddiga Nabadda iyo Odoyaasha ka soo jeeda Magaalada Gaarisa, ayaa uga digay Siyaasiyiinta ka soo jeeda  Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland inay ka waantoobaan shirarka iyo ololaha ay ka wadaan Hoteelada ku yaala dalka Kenya. ⓘ Guddigan ayaa waxay walaac ka muujiyeen shirarka is daba jooga ah ee ay wadaan siyaasiyiinta oo ay ku sifeeyeen in ay khatar ku yihiin...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku casuumay  madaxdii horey dalka usoo martay iyo siyaasiyiin kale, kulan wadatashi ah oo ay ka yeelanayaan go’aannadii kasoo baxay shirkii Golaha Watashiga Qaran. Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa casuumad u diray madaxweynayaal hore, ra’isul wasaarayaal iyo guddoomiyaal baarlamaan , kuwaa oo...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ku dhexmaray duuleedka magaalada magaalada Gaariga ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya iyo Ururka Al-shabaab. ⓘ Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay kolanyo ka tirsan ciidanka Kenya ku qaadeen weerar jidgal ah oo qarax ku bilaawday, xili ay marayeen...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay khilaafyada siyaasadeed ee ka jira dalka oo qaarkood sababay in dagaalo ka hadal ah ay ka dhacaan magaalooyin ka tirsan dolwad Goboleedyada. Ra’iisl Wasaare Xamse oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaado iyo...

Magaalada Boosaaso ee xaruunta gobolka Bari ee Puntland, ayaa saaka waxaa ka dhacay bannaanbax ay dhigeen ganacsatada kalluunka oo ka cabanaya in laga xiray suuqii kallunka laguna wargeliyay in la iibsaday. Qaar ka mid ah ganacsatada kalluunka keena suuqa hadda xiran ayaa BBC-da u sheegay in ay saaka daadiyeen kalluun tiro badan maadama ay waayeen meel ay geeyaan isla...

Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya Marwo Laura Turner. Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo masuuliyiin kale ayaa looga hadlay dhibaatooyinka...

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay warqad ay ku baafineyso 9 qof oo u badan masuuliyiin ,kuwaa oo loo heesto in ay qeyb ka yihiin musuq maasuq lagu xaday lacag malaayiin dollar ah. Warqada kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadira ayaana lagu baafinayaa sagaalkan xubnood ee dhawwaan Xeer ilaalinta Qaranka ku eedeesay in ay ku kaceen musuq maasuq iyo isdaba marin,...

Waxaa maanta baaqday kulankii lagu waday in xildhibaannada golaha shacabka ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaddib cabsi laga dareemay xildhibaannada qaar oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah xukuumadda. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa ku qanciyay guddoomiyaha golaha shacabka in maanta dib u dhigo fadhiga baarlamaanka, waxa ayna...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo lagu helay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab. Ninkan ayaa maxkamadda ciidamada u sheegay in ii kooxda Al Shabaab kaga biiray deegaanka Buur-Eylo oo degmada Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray bishii Lacag dhan $70 ah. Yuusuf Duqow...