Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dowladda Iraq ayaa Khamiistii dalkeeda ka eriday, danijirihii Sweden u fadhiyay Baghdad, tallabadaasi oo ah mid ay ku gudbineyso farriin ay uga cabaneyso fal qorsheysan oo lagu rabo in lagu gubo kitaabka Qur’aanka Kariimka ah gudaha magaalada Stocklom ee caasimadda Sweden. Wakaaladda wararka Ciraaq oo soo xigenaysa bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda, ayaa ku warrantay...

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalkaasi, Ilyas M. Dawaleh. Labada wasiir, ayaa isweydaarsaday waayo-aragnimada daddaalka loogu jiro sidii loo gaari lahaa horumar dhaqan-dhaqaale...

Waxaa dhaqangalay heshiiska Iskaashiga wadajirka ah ee Militariga Waddamada Ingiriiska iyo Kenya kaddib markii tababar 6 todobaad soconaya loo furay ciidamo katirsan kuwa difaaca Kenya ee KDF si loogu kordhiyo aqoontooda & waaya-aragnimadooda. Ciidamo laga soo dhex xulay askarta Dalkaas ayaa tababar gaar ah waxaa siinaya saraakiil iyo macalimiin ciidan oo katirsan...

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee u dambeeyay ayaa lagu gaaray heshiis wax looga beddelayo nidaamka dalka ee madaxweyne iyo ra’iisul wasaare, lagana dhigo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, kaasi oo buuq badan dhaliyay. Madaxda dowladda federaalka iyo madaxdii hore oo dhawaan ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale heshiiskaasi ka dooday, gaar ahaan isku-deyga...

Israa’iil ayaa sheegtay inay u oggolaanayso dhammaan muwaadiniinta Maraykanka ah, oo ay ku jiraan Falastiiniyiinta haysta dhalashada Maraykanku inay si fudud ugu safri karaan Israa’iil iyaga oo adeegsanaya garoomada caalamiga ah. Arrintan ayaa daba socota, dedaalka ay Israa’iil ku doonayso sidii muwaadiniinta dalkeedu ay u heli lahaayeen adeega Visa la’aanta ee...

Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa weerar ka dhan ah kooxda Alshabaab ka fuliyay deegaan u dhow halka loo yaqaan Hareeri Kalle, oo qiyaastii 15 KM dhanka koofureed kaga beegan degaanka Galcad ee gobolka Galgaduud. ⓘ Weerarkan oo ahaa mid cirka ah ayaa lagu taageerayay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay la dagaalameen kooxda...

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta nin ajabi ahaa loogu geystay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo u dhashay dalka Kenya lagu dilay goob uu dhisme ka socday oo ku taalla degmada Wadajir, gaar ahaan meel u dhow garoonka Aadan Cadde. Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka uu dilay nin hubeysan...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Xalay saqdii dhexe dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidanka dowladda fedaraalka Soomaaliya ay ku leyihiin deegaanka Arbacoow oo ku yaala agagaarka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho. ⓘ Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka nooc yadiisa kala...

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay guddida doorashooyinku ku mudeeyeen wakhtiga doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada. ⓘ Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, oo warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee xisbiga ayaa sheegay in ka xisbi ahaan...

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa walaac xoogan ka muujiyay joogitaanka magaalada Geriley ee Ururka Al Shabaab. Sidoo kale Xildhibaanada ayaa rajo xumo ka muujiyay in aysan jirin wax gurmad ah oo loo fidiyo Ciidamada Dowladda. Xildhibaan Mursal M Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana mid ah Guddiga Difaaca ayaa tilmaamay in aysan...