Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku leh kulan wadajir ah sida uu guddoonka labada Gole. Kulankaan oo baaqday Arbacadii ayaa maanta loo baddelay iyada oo Xildhibaannada & Senatarada si wadajir ah loogu diray fariinta ballaminta kulanka maanta si ay...

Dowladda Marooko ayaa faah-faahin ka bixisay dad ku dhintay Doon ku degtay Xeebaha Dalkaas iyada oo Wakaaladda Wararka u faafisa Waddankaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika sheegtay in Ugu yaraan 6 ruux ay dhinteen. Waxaa la badbaadiyay 48 qof oo doonta dadka saaran qayb ka ahaa iyaga oo la geeyay mid kamid ah goobaha loogu talagalay in lagu hayo Tahriibayaasha iyo soogalootiga...

Wasiirka Diinta & Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka daba-tagtay shirkadii Basaska ee heshiiska ku galay in ay u adeegayaan xujeyda balse gudan waayay waajibka saaran. Roobow ayaa tilmaamay in lacagaha laga soo celiyay qayb kamid ah Basaska fulin waayay heshiiska lala galay ay ku jirto...

Wiil dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Nageria ayaa garaacis iyo toorey lagu dilay, kaddib markii lagu eedeeyay in uu xaday rooti, waxaana dilkan aad uga naxay ehelada wiilkan iyo dadkii kale ee yaqaanay. Ebimotimi Freeborn Opuofoni oo 32 sanno jir ahaa ayaa noloshiisa ku waayay wax aan micno laheyn sida ehelkiisa tilmaameen, waxaan ninkan dilay oo toorey iyo budad la...

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan howlgalo culus ay ka bilaabi doonaan wadada dheer ee xariira magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho oo ay kaga saarayaan kooxda Al-shabaab. ⓘ Lataliyaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen ee dhanka arrimaha Warbaahinta Maxamed Sheekh Cabdullaahi Xaayow ayaa...

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal lagu xoojinayo isbaheysiga milateri ee ay la leeyihiin dalalka Afrika, kaddib kulan ay la qaateen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha Ciidanka Xoogga Sareeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxyadiin. ⓘ Wada-hadallada ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa ammaanka...

Baarlamaanka Puntland ayaa dib u dhigay wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada. ⓘ Khamiistii oo ku ekayd muddadii bisha ahayd ee ay socotay wacyi galinta wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, ayuu baarlamaanka ajendihiisa ka saaray meel marinta qodobada laga beddelayo dastuurka. Golaha baarlamaanka...

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jubba ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Marxuum Cabdiraxmaan Jubba ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaalka weyn ee Aga khan ee Nairobi, waxaana la xaqiijiyay in xanuunkii haayay...

Dowladda Iraq ayaa Khamiistii dalkeeda ka eriday, danijirihii Sweden u fadhiyay Baghdad, tallabadaasi oo ah mid ay ku gudbineyso farriin ay uga cabaneyso fal qorsheysan oo lagu rabo in lagu gubo kitaabka Qur’aanka Kariimka ah gudaha magaalada Stocklom ee caasimadda Sweden. Wakaaladda wararka Ciraaq oo soo xigenaysa bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda, ayaa ku warrantay...

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalkaasi, Ilyas M. Dawaleh. Labada wasiir, ayaa isweydaarsaday waayo-aragnimada daddaalka loogu jiro sidii loo gaari lahaa horumar dhaqan-dhaqaale...