Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Laba wiil oo dhallinyaro oo saaka u dabaal tagay xeebta halka lagu magacaabo Geellaq ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa barqadii maanta meydadkooda laga soo saaray biyaha bada oo ah kuw aad u kacsan. Dad ku sugnaa xeebta Geellaq ayaa waxa ay kusoo warrameen in mid kamid ah labada wiil ay markii hore badu qaaday, balse mid kalena oo la socday ayaa isku dayay...

Wafdi wasiira ah oo uu horkacayo wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowladda hirshabelle oo maalmahanba Nabadeyn iyo dhexe dhexdiin ka waday deeganada hirshabelle ayaa soo gaaray Deeganka Biyacadde ee Gobolka Sh/Dhaxe’ Xubnahaan wafdiga ayaa waxaa si diiran u soo dhoweyay mamulka degaanka Biycadde, Saraakiisha C.X.D.S oo ugu horeeyo abaan duulaha...

Saraakiil katirsan Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in ciidamada Booliiska oo kaashanaya Militariga Dalkaas in ay kordhiyeen howlgallada roondada ah oo ay ka sameynayaan deegaannada ‘AS’ ay ka geystaan Dilalka iyo weerarrada. Ciidamada ayaa saldhigyo cusub ka sameystay deegaannada qaar si isku xirka howlgalkooda uu u noqdo mid joogto ah, Dadka deegaanka ayay...

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa dhaqdhaqaaq kawada Gobollada Galgaduud & Mudug, Saraakiisha hoggaamineysa ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanno ay weli joogaan ‘AS’. Ciidan katirsan kuwa Dowladda Federaalka ayaa la geeyay Galmudug waxa uu qorshuhu yahay in ciidamadaas ay duullaan ku qaadaan Degmooyinka...

Wararka naga soo gaaraya xerada Xagardheer oo ka tirsan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhacdo xanuun badan ay ka dhacday halkaasi, kadib markii nin ku hubeysnaa mindi uu dil iyo dhaawac ka geystay. Eedeysanaha oo baxsaday ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cabdullaahi, wuxuuna gowrcay wiil yar oo hal sano jir ahaa, isla-markaana uu...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hooygiisa kulan casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BJFS. Kulanka casho sharafta ah waxaa lagu casuumay, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh...

Samatabbixiyeyaasha Kuuriyada Koonfureed oo ka shaqaynayay sidii ay u gaari lahaayeen baabuur ku go’doonsan godad daadku qaaday, ayaa soo saaray ugu yaraan lix mayd ah. Roobab dabaylo wata ayaa sababay daadad, dhul go’ iyo koronto la’aan dalka intiisa badan. Ugu yaraan 26 qof oo kale, ayaa la og yahay inay ku dhinteen daadadkani, halka toban kalena la la’yahay. Ma...

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka, ayaa howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka wada tuulooyinka u dhexeeya degmada Gal-cad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Gal-guduud. ⓘ Saraakiil katirsan ciidanka Dowladda oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay khasaare weyn gaarsiiyeen kooxda Alshabaab. Howlgalka laga fuliyay gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in lagu...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Miqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax-dhigay Laamiga Via Liberia ee isku xira Isgoyska Shaqaalaha iyo Waddada 21 Oktoobar ee degmada Waaberi, kaas oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga Caasimadda. Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir,...

Isbaddel muuqda ayaa ka jira howlgalka togan ee la dagaalanka Musuqa oo xooggiisa ka socda xafiisyada iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, howlgalkaan ayaa billowday dabayaaqadkii Bishii Abriil 2023. Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo xafiisyada ku shaqada leh la dagaalanka Musuqa ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo lagu baaray meelaha musuqa ama wax...