Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka, ayaa howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka wada tuulooyinka u dhexeeya degmada Gal-cad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Gal-guduud. ⓘ Saraakiil katirsan ciidanka Dowladda oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay khasaare weyn gaarsiiyeen kooxda Alshabaab. Howlgalka laga fuliyay gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in lagu...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Miqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax-dhigay Laamiga Via Liberia ee isku xira Isgoyska Shaqaalaha iyo Waddada 21 Oktoobar ee degmada Waaberi, kaas oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga Caasimadda. Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir,...

Isbaddel muuqda ayaa ka jira howlgalka togan ee la dagaalanka Musuqa oo xooggiisa ka socda xafiisyada iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, howlgalkaan ayaa billowday dabayaaqadkii Bishii Abriil 2023. Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo xafiisyada ku shaqada leh la dagaalanka Musuqa ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo lagu baaray meelaha musuqa ama wax...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ee ku soo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna...

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Shir gudoomiyay kulan lagaga hadlayay dardar galinta howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, iyadoo Madaxweynahu uu warbixin la xiriirta howlgalada socda ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada. Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga General Yusuf Osman iyo taliyayaasha Ciidamada...

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo digniin adag u jeediyay mucaaradka ayaa sheegay “in dibedbaxyo aysan ka dhici doonin dalka, midkii ay u qorsheeyeen Arbacada ma dhici doono.” Waxa uu taageerayaashiisa kula hadlayay magaalada Naivasha ee bartamaha Kenya, labo maalmood kaddib markii ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen iska horimaadyo dhexmaray dibadbaxayaal iyo ciidamada...

Ciidanka milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisimo ku lahaayeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab. Taliyaha Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa warbaahinta dowladda u sheegay...

Laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa magaalada Gaarisa ku qabtay labo nin oo ajaaniib ah xilli ay u socdeen in ay ku biiraan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. ⓘ Saraakiisha ayaa sheegay in labadan nin oo u dhashay Tanzania oo lagu kala magacaabo, Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili, 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia, 30 jir ah la qabtay Arbacadii, July 12,...

Xubno ka mid ah dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab ayaa Xalay saqdii dhexe weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac leh geystay ku qaaday degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho. ⓘ Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Deyniile. Xubnaha dagaalamayaasha...

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC loosoo gaabiyo ayaa ku dhawaaqday in ay baaris xooggan ka furtay tacadiga ka dhacay Jamhuuriyadda Suudaan ee salkiisu yahay dagaalka u dhaxeeya labada Janan ee lagu kala magacaabo Cabdifitaax Alburhaan & Maxamed Daqlo. ICC ayaa sheegtay in bog cusub oo lagu diiwaangelinayo xadgudubyada ka dhacay Jamhuuriyadda Suudaan furtay...