Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan waxaa ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada milatariga dalkaasi iyo ciidamada RSF, dagaalka ayaana sababay in magaalada isaga baxaaan diblumaasiyiintii shisheeye iyo inta badan dadkii magaalada degnaa. Caasimadda Sudan iyo magaalooyin kale waxaa ka socda boob iyo dhac ay geesanayaan kooxo hubeesan iyo dad shacab ah,...

Askarta Midowga Afrika ayaa laga dhimayaa tirada ay gaarsiisan yihiin si xoogga loo saaro qorshaha la xiriira in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu diyaargaroobaan in si buuxda ay ula wareegaan mas’uuliyadda Amniga. War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in uu socdo qorshaha lagu yareynayo Ciidamada Midowga Afrika ka socda ee Soomaaliya...

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa ‘AS’ Ka qabsaday deegaanka Geerille oo u dhaxeysa Magaalooyinka Ceeldheer & Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug. Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ee howlgalkaas hoggaaminaya ayaa sheegay in bartilmaameedkooda ugu weyn uu...

Booliska magaalada Windsor ee dalka Canada ayaa dacwad dil ah kuso oogay nin kasoo jeeda gobolka maraykanka ee Michigan oo lala xiriirinayo in uu dilay xaaskiisa oo la waayey toddobaad ka hore. Brian Aaron Marbury oo 45 jir ah ayey booliska Canada ka qabteen dhinaca canada ee kanaalka isku xira Windsor iyo magaalada Detriot ee dalka Maraykanka wax yar uun ka dib sagaalkii fiidnimo ee isniintii. Booliska ayaa sheegay in xarigga ninkani ka dhashay natiijada baaritaan lagu sameeyay gabar Windsor degganayd- Sahra Bulle oo 36 jir ahayd taas oo aan meel lagu sheegin tan iyo 26kii Maajo. Inkasta oo baaritaanka ku saabsan waayitaanka Sahra uu weli socdo, haddana booliska ayaa sheegay in qabashada Marbury ay u cuskadeen ”cadeymo lagu kalsoonaan karo” oo ay heleen. ”Baarayaashu waxay weli raadinayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan meesha ay ku dambeysay Sahra Buulle,” ayey saraakiisha boolisku kusii dareen. Sida ka muuqata waraaqo baafin ah oo lagu dhejiyay darbiyada, Sahra waxay dhigaynaysay jaamacadda Windsor. Hooyada Sahra, Fartuumo Kuusow ayaa barah bulshada dadka isticmaala ka codsatay in ay la baafiyaan gabadheeda si loo helo raq iyo ruux mid uun. Sylvia Guenther Madaxa fulinta ee barnaamijka Hiatus Haouse oo caawiya ka haweenka xadgudubyada dumar nacaybka ah ee loo geysto ayaa sheegtay in dilalka loo geysanayo haweenla ay yihiin dhibaato ku soo badanaysa bulshada. ”Waxaan ognahay in mid ka mid ah saddexdii dumar ahba ay la kulantao nooc ka mid ah xadgudubyada lammaanaha ama xad gudubyada qoyska ugu yaraan hal mar inta ay noolyihiin,” ayay tiri. “Ma ahan xaalad ka soo raynaysa inta uu wakhtigu sii socdo. Waxaan aragnaa kiisas aad u daran oo xadgudubyo ah, sida aan hadda maqalnayna waxaa jira khasaare aad u xun oo soo gaaray bulshadayada.” Ayey sii raacisay. Hiatus House waa xarun xasaradeed oo muddo 24-saacadoo ah loogu talagalay dadka la kulma xadgudubyada qoyska ama lammaanaha dhow. Qadka taleefanka ee degdegga ah ayey ku shaqeeyaan.

Booliska magaalada Windsor ee dalka Canada ayaa dacwad dil ah kuso oogay nin kasoo jeeda gobolka maraykanka ee Michigan oo lala xiriirinayo in uu dilay xaaskiisa oo la waayey toddobaad ka hore. Brian Aaron Marbury oo 45 jir ah ayey booliska Canada ka qabteen dhinaca canada ee kanaalka isku xira Windsor iyo magaalada Detriot ee dalka Maraykanka wax yar uun ka dib sagaalkii...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka la doortay ee dalka Turkiga Mudane Numan Kurtulmuş. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga, Alle ugu baryay inuu mas’uuliyada culus...

Gobolka Waqooyiga ee dalka galbeedka ku yaalla ee Ghana ayaa soo rogay mamnuucida hilibka sababo la xiriira cabsida cudurka Kudka. Amarka soo baxay ayaa sheegaya in iibinta iyo cunista hilibka  muddo bil ah laga mamnuucay gobolka waqooyi ee Ghana, sababo la xiriira cudurka kudka oo ah mid dila xoolaha oo dalkaasi ka dillaacay. Cudurka Anthrax waxaa keena  bakteeriyo...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia kaga qeyb galay shir-madaxeedka 22aad ee suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA. Shirka ayaa looga hadlayaa is-dhexgalka dhaqaale ee dalalka Qaaradda, kor uqaadidda ganacsiga gobolka iyo ajanyadaal kale oo muhiim u ah koboca dhaqaale ee dalalka ku midaysan...

Safiirkii waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka u joogay Soomaaliya Larry André ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababtii uu uga hor yimid muddo kororsigii Farmaajo iyo waxa ka jira eedeyn ah in Mareykanku fashiliyey qorshii uu Farmaajo ku sii xukumi lahaa dalka. Larry André oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in caqabadda kaliya ee Farmaajo qabsatay ay aheyd inuu...

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay madaafiic isku weeydaarsadeen Ciidamada Millateriga Somaliland iyo xoogagga SSC. Isweeydaariska madaafiicdan ayaa waxaa la sheegay inay timid kadib markii Ciidamada Somaliland oo Dhaq dhaqaaqyo Ciidan wada ay madaafiic ku weerareen xoogagga SSC. Wararka...

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maamul cusub u magacaabay Gobolka Gedo oo muddo dheer uusan tegin mas’uul katirsan Dowlad-Goboleedkaas sababo la xiriira khilaaf siyaasadeed oo ka jira Gobolkaas. Madaxweyne Axmed Maxmed Islaam Madoobe ayaa mas’uuliyiinta uu magacaabay waxa uu kusoo daray xubno si dhaw u mucaaradkanaa shanti sano u dambeysay...