Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Bandow xilliga habeenkii ah kusoo rogay Magaalada B/weyne. Bandowgan ayaa waxaa uu socon doonaa Muddo saddex Maalin ah iyada oo aan la ogolaan doonin in la socdo wixii ka dambeeya Cishaha. Kulan amniga looga hadlayey oo ka dhacay magaaladaasi ayaa sidoo kale waxaa laga soo saaray ammaro ku aadan xoojinta amniga. Qodobada kulankan ka soo baxay...

Janaraal Cabdalla Cabdalla Maxamed oo ahaa taliye kuxigeenkii hore ee Nabad Sugida Somaliya, ayaa markii uhoreysay ka hadlay shaqa joojinta iyo xil ka qaadista dhowaan la isugu daray. Wareysi uu siiyay Idaacadda VOA-da  ayuu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo agaasimaha NISA aaney u sheegin wali sababta xil ka looga qaaday iyadoo aaney wali loo wicin si uu xilka uwareejiyo,...

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo fiidnimadii caawa ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan, qaraxan ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir. Qaraxan oo ka dhashay gaari nuuca raaxada ah, islamarkaana lagu soo xiray Miinada nuuca dhejiska ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay dalcadda Taleex, meel ku dhaw carwadii hore. Dadka...

Wararka ka imanaya Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maanta Maxkamad la soo taagay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo xubno ka mid ahaa maamulkiisa. Warbaahinta Dowladda ee FANA ayaa sheegtay in Maxkamadeynta Cabdi Maxamuud iyo xubnaha maamulkiisa ku jira ay maanta bilaabatay. FANA,ma sheegin nooca Maxkamadda...

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa  maalmaha soo socdo uu qorsheynayo Isku-Shaandeyn uu ku sameynayo Golihiisa Wasiirada. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday olole ka dhan ah oo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle,kuwaas oo dhaliilsan Madaxweyne Waare qaarkoodna ay sheegayeen inay mooshin xilka qaadis ah ay ka geynayaan. Hayeeshee...

Macallimiinta wax ka dhigta Iskuullada degmada Jowhar ayaa waxay ka qeylo dhaamiyeen isticmaalka Maandooriyaha Taabuuga oo arday badan ay bilaabeen iney isticmaalaan. Axmed Cabdi Maxamuud, maamulaha Dugsigsa hoose dhexe iyo sare ee Sheekh Xasan Barsane ayaa xaqiijiyay in maandooriyaha Taabuuga laga isticmaalo gudaha iskuullaadka Jowhar: “Arrin jirta waaye, dhammaan iskuullada...

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in dhibaatada dadyowga muslimiinta ahi ee qowmiyadda Rohingya aanan lagu xallin karin cadaadis la saaro dowladda Myanmar. Haweeney afhayeen ah oo u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa hadalkaasi sheegtay maalin uun kaddib markii baarayaal ka tirsan Qaramada Midoobey ay hoggaamiyeyaasha milatariga ee Myanmar ku eedeeyeen dambiyo...

Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa lagu soo oogay eedo musuqmaasuq, Philomena Mwilu waa sarkaalkii ugu sarreeyey ee dawladda ka tirsan ee ololaha musuqmaasuq la dagaalanka ah ee uu wado dacwad oogaha guud ee cusubi uu gaadhay. Waxa laga qabtay xarunta Maxkamadda Sare gelinkii dambe ee Salaasadii, hase yeeshee waxa saacado ka dib lagu sii daayey damaanad...

Wareegtadii ugu horeysay ee uu  soo saaro  Madaxweynaha cusub ee Somali State Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa waxa uu xilalkii ugaga qaaday Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Millatariga iyo Sirdoonka. Sidoo kale wareegtadan ayaa xilka loogaga qaaday Wasiirkii Madaxtooyada iyadoo hore looga wareejiyay ciidamada Liyuu Boolis sugida amniga madaxtooyada magaalada Jigjiga. Madaxweyne...

Dagaalkan gor dhaw ka qarxay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa u salka ku hayaa xiisad ka dhalatay dil shalay lo geystay darawal mooto bajaaj Magaalada Beledweyne ayaa shalay iyo maanta waxaa ka taagnaa xaalad amni daro iyadoo dabley qaab beeleed u abaabulan lagu arkayay wadooyinka waaweyn ee magaalada Beledweyne. Inta badan goobaha ganacsiga ayaa...