Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa laalay shaqo joojintii uu shalay ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo labadaba uu shalay shaqada uga joojiyay amar diido iyo wada shaqeyn la’aan. Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin...
Category Archives: WARARKA MAANTA
Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo haatan ku sugan dalka dibaddiisa ayaa usoo jawaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxauud oo maanta shaaciyay liiska 18 qof oo uu ku jiro Korneel Koofi, loona haysto musuq-maasuq. Xeer Ilaaliyaha oo maanta shir jaar’iid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay...
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay warqad ay dhawaan maxkamadda sare u gudbiyeen, taasi oo la xiriirtay muranka doorashooyinka ee u dhaxeeya xukuumadda iyo mucaaradka. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Mudane Muuse Xasan Yuusuf oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ay maxkamadda sare ka dalbadeen fasiraad sharci oo la xiriirta xeerarka...
Hoggaamiyaha kooxda calooshood u shaqeestayaasha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa isbuucyadii u dambeeyay warkiisa la waayay, waxaana horey usoo baxay warar sheegayay in uu joogo dalka Belarus. Yevgeny Prigozhin ayaa markii ugu dambeesay lagu arkay gudaha xilligii ciidankiisa wadeen gadoodka, waxaama xilligaasi waxii ka dambeeyay la waayay warkiisa iyo halka uu jaan iyo cirib...
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Caasimadda gobolka Bare ee maamulka Puntland ayaa sheegay in Dekedda Boosaaso ay maanta shaqaynayn kaddib markii ganacsatada wax kala soo degta dekaddaas lagu kordhiyay canshuurta. Wararka ayaa sheegaya in shirkadda Imaaraadka ee DP-world ee gacanta ku haysa Dekadda Boosaaso ay cashuurta ku kordhisey badeecadaha ka soo dega...
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in sacaadahii lasoo dhaafay diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya iney duqeymo culus ka geysteen deegaanka Ceel cadde ee gobolkaas. ⓘ Diyaraadaha dagaalka Kenya ayaa lasoo warinaya in duqeymaha ay ka geysteen deegaanka Ceel cadde Xalay iyo Saakay, waxaana ay sababeen khasaare isugu jira dhimasho...
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale ee ATMIS, ayaa Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo ka socda Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Maaraynta Khilaafaadka. ⓘ Wafdiga ayaa saddexda maalmood ee soo socota, wada-hadallo...
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka gollaha wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya, oo lagu ansixiyay Xeerka Nidaamiyaha habraaca Iibka degdeg ah. ⓘ Inta uu socdalay kulanka ayaa waxaa warbixinno looga dhageystay Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka, howlgalka wadajirka ee Al-shabaab looga ciribtirayo dalka,...
ooxda Alshabaab ayaa qarax miino la beegsatay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Soomaali ah. ⓘ Weerarkan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo subaxnimadii Khamiista maanta ah. Sarkaal katirsan ciidanka Maraykanka ee AFRICOM oo lagu magacaabo Kelly Cahalan, ayaa beeniyay in wax khasaare ah uu soo gaaray qaraxa lagula eegtay...
Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya, Suleymaan Maxamuud Maxamed, ayaa shaaciyay liiska shaqsiyaad mas’uuliyiin ah oo Dowladda Soomaaliya katirsan, kuwaasi oo loo haysto inay ku kaceen dambiyo musuq maasuq. ⓘ Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay liiska uu shaaciyay inay isugu jiraan kuwa u xiran eedeymaha musuq maasuqa iyo kuwa dalka dibaddiisa ku maqan oo...