Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Maxkamadda gobolka Baay ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo lagu kala magacaabo Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey. Fagaaraha toogashada Magaalada Baydhabo ayaa saaka looga oofiyay qisaastii dilkii. Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowlad...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay xoogga saareyso la dagaallanka musuqmaasuqa. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirka Aggaasimeyaasha iyo Maareeyeyaasha Guud ee Dowladda ayaa intaas ku daray in Xukuumaddu mudnaan gaar ah siineyso isla-xisaabtanka. Wuxuu faray in ay ka miro-dhaliyaan...

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxaa u kormeeray Isbitaalka guud ee Burco iyo Isbitaalka Ciidamada, isagoo u kuurgalay xaaladda caafimaad Ciidamada ku soo dhaawacmay dagaalka ka socda duleedka Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool. Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay una gacan qaaday ciidamada soo dhaawacmay, isaga oo ugu duceeyay in u illaahay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka Puntlaand ayaa shaaciyay magacyada Xubno siyaasiyiin ah oo lagu Eedeeyay in ay ku lug leeyihiin khal khal gelinta Amniga Caasimada Garowe ee Puntland. Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawlad Goboleedka Puntland Axmed Yuusuf Taaraan ayaa sheegay in waaran soo xerid ah loo jaray dhammaan Eedeysanayaasha kala ah. Khadar Cabdiraxmaan Maxamed Faroole...

Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo goor sii horeysay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Dhawaaqa jugta qaraxa ayaa waxaa si weyn looga maqlay inta badan caasimadda ee magaalada Muqdisho, ayada oo cirka isku shareertay uuro qaraxa kadib. Qaraxa oo jugtiisa cusleyd ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Qaraxan...

Inta badan Ururada Siyaasadda Puntland ayaa kulan ay ku yesheen magaalada Garoowe kaga hadlay, islamarkana cambareeyay shaqaaqo ka dhacday magaalada Garoowe. Shaqaaqada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex qof, waxayna ka dhalatay xiisad la xiriirta in sanaadiiqda doorashada la geeyo degaanada Bariga ee Puntland. Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa...

Dabley ayaa weerartay kolonyo baabuur Mareykan ah oo marayey gobolka Anambra ee Koonfurta Bari ee Nigeria , sida ay sheegeen booliska iyo sarkaal Mareykan ah, ayaga oo dilay afar qof, saddex kalena afduubtay. Koox gooni u goosad ah oo ka howlgasha gobolka ayaa sanadihii dhowaa xoojiyey weerarada ay halkaas ka fuliyaan, ayaga oo inta badan beegsada xarumaha booliska iyo...

Ciidamadda Nabad Sugida iyo kuwa militariga ee sida Booliska u Tababaran oo saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay qeybo ka mid ah degmooyinkgobolka Banadir W, Waxana ay ku soo qabteen xubno lagu Eedeeyay in ay ka Tirsaan yihiin Alshabaab iyo kooxo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya. Ciidamada ayaa boqolaal dhalinyaro ah oo ay tuhmeen, hayeeshee baaritaano dheer...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar, sannad kadib doorashadiisa. Madaxweynaha waxaa soo dhaweeyey wasiirka arrimaha dibadda Qatar. Madaxweynaha iyo amiirka qatar ayaa la filayaa inay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale. dowladda Qatar ayaa ahayd dowladdi ugu dhaweed ee xiriirka la lahayd diwladdi hore ee uu hoggaaminayey...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Mako Maxamuud Muuse in ay noqoto Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dalkeenna lagaga dulqaadayo cunaqabateynta Hubka ee saaraan, maadama ay...