Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dabley ayaa weerartay kolonyo baabuur Mareykan ah oo marayey gobolka Anambra ee Koonfurta Bari ee Nigeria , sida ay sheegeen booliska iyo sarkaal Mareykan ah, ayaga oo dilay afar qof, saddex kalena afduubtay. Koox gooni u goosad ah oo ka howlgasha gobolka ayaa sanadihii dhowaa xoojiyey weerarada ay halkaas ka fuliyaan, ayaga oo inta badan beegsada xarumaha booliska iyo...

Ciidamadda Nabad Sugida iyo kuwa militariga ee sida Booliska u Tababaran oo saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay qeybo ka mid ah degmooyinkgobolka Banadir W, Waxana ay ku soo qabteen xubno lagu Eedeeyay in ay ka Tirsaan yihiin Alshabaab iyo kooxo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya. Ciidamada ayaa boqolaal dhalinyaro ah oo ay tuhmeen, hayeeshee baaritaano dheer...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar, sannad kadib doorashadiisa. Madaxweynaha waxaa soo dhaweeyey wasiirka arrimaha dibadda Qatar. Madaxweynaha iyo amiirka qatar ayaa la filayaa inay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale. dowladda Qatar ayaa ahayd dowladdi ugu dhaweed ee xiriirka la lahayd diwladdi hore ee uu hoggaaminayey...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Mako Maxamuud Muuse in ay noqoto Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dalkeenna lagaga dulqaadayo cunaqabateynta Hubka ee saaraan, maadama ay...

Wararka naga soo gaaraya degaannada Samakaab iyo DhabanSaar oo katirsan gobalka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada degaanka ee la Magac baxay SSC iyo kuwa Somaliland. Saacadihii la soo dhaafay ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan lag dareemayay degaannada Samakaab iyo DhabanSaar oo katirsan gobalka Sool oo Magaalada laas-caanood uga began dhinaca...

Shir ay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku yeesheen Siyaasiinta mucaaradka Puntland ee ku midoobay madasha siyaasada Puntland, ayay ku sheegeen in doorashada golayaasha degaanka ee soo socota ay horseedayso xasilooni darro iyo amni xumo. Siyaasiyiintan ayaa madaxweyne Deni waxay ku eedeeyeen inaan lagu aaminin karin geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Puntland,...

Warbixin dheer oo ay soo saartay hay’adda arrimaha bani’aadanimada UNOCHA ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan gudaha magaalada Beledweyne, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle. Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in fatahaadda ay sababeen roobab mahiigaan oo todobaadkii lasoo dhaafay ka da’ay Beledweye, taas oo dhalisay khasaare...

Dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Magaalada garoowe xalay waxaa uu ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland, balse kala taabacsan Madaxweynaha Puntland Saiid Cabdullaai Deni iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka. Dagaalka oo ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada PMPF oo...

Diyaarad sidda eedeysane Dable Boliis. Zakariye Cali Axmed Cosobow, oo ku eedeysan inuu 28/July/2022, Degmada Dayniile gaar ahaan Waaxda Kordamac ugu geystay dil bareer ah Marxuum Ex- Xidigle Biolis Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa xalay kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Garoonka...

Saddex goobood oo ah xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya oo xirnaa muddo ku dhow 12 sano, ayaa lagu wadaa in bishan dib loo furo, sida ay sheegtay dowladda Kenya. Saddexda goobood oo kala ah, Bulahawa oo ka tirsan degmada Mandheera, Liboi- oo ka tirsan degmada Gaarisa, iyo Kiunga-Daresalam oo ka tirsan gobolka Lamu-ayaa la xiray sannadkii 2011-kii, xilligaasoo ay...