Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkeenna maanta ay haysato caqabad la mid...

Ururka Maaliyadda Afrika, oo ah shirkad bixisa xallinta kaabayaasha qaaradda, ayaa sheegtay inay Soomaaliya kamid noqotay xubnaheeda, iyadoo ku biirtay Benin, Botswana iyo Congo oo xubin cusub ka noqday shirkadan. Ururka Maaliyadda Afrika (AFC), wuxuu sheegay in ku biirista xubinimada Botswana iyo Soomaaliya ay horumariso waajibaadka AFC iyada oo siinaya dhawrsanaan iyo...

afiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiiska xeer llaaliyaha Guud ee Qaranka uu baaris ku sameeyay shirkadda AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE iyo Maareeyaheeda Xafiiska Soomaaliya...

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka...

Cagaf ay Saarnaayeen Dad Shacab Ayaa ku Rug maday Buunda koobaad oo ah marin Halis badan oo Fatahaada Wabiga Shabeelle aad usaameysay. Faah Faahin kala.soco Cagaf Rogmaday ayaa ah gadiidka kaliye ee xiligaan ka shaaqeyo magalada Baladweyne fahahada uu sameyay wabiga shabeelle ayana sawabay in dhaman gawarida kale eey ka shaqeyni wayan magalada sawbtuna tahay biyaha...

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa isimada iyo waxgaradka gobolka Mudug ka raali galiyay habkii uu u maamulay kuraasta aqalka hoose ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Mudug. Madaxweyne Deni oo ku sugan Gaalkacayo ayaa kulan gaar ah la qaatay Islaam Bashiir Islaam Cabdulle iyo isimada kale, isagoo sheegay in maamulkiisu xaal iyo raali galin uu ka bixinayo in odayaasha...

Xildhibaannadii ugu horaysay oo haweena ayaa Sabtidii si rasmi ah uga mid noqotay xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland, kadib muddo 2 sanno ku dhow oo goluhu rag khaas ah ka koobnaa. Wasiirkii hore ee wasaarada maalgashiga Aamina Cilmi Fariid oo kamid ahayd musharixiintii ku hadhay doorashadii wakiilada ee qabsoontay 31, May, 2021, ayaa loo dhaariyay xubin wakiilo kadib...

Inta la xaqiijiyay lix Ruux ayaa ku geeriyootay halka 32 kale ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay wadada N2 gaar ahaan inta u dhexeeysa deegaanka Danabay iyo Degmada Mosselbaai ee Garden Route.gobolka western Cape ee dalka Koonfr Afrika, waxaana dadka ku dhintay kamid ah Hooyo Soomaaliyeed. Shilka ayaa waxa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo ahaa...

Turkiga ayaa maanta waxaa ka billaabatay u codeynta , doorashada ugu muhimsan taariikhdooda casriga ah, si ay go’aan uga gaaraan haddii Recep Tayyip Erdogan uu sii ahaanayo madaxweyna hooda ka dib 20 sano oo uu xukunka hayay. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wajahayo loolankii siyaasadeed ee ugu weynaa intii uu xukunka hayay, waxaana la xaqiijiyay in in ka badan...

Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliiska Saldhiga degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir ayaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen haweeney ku eedeysan dil ay u geysatay Wiil yar oo ay eedo u aheyd oo uu dhalay ninkeeda. Qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay si xun u garaacday wiilka yar ayna jirkiisa ka muuqdeen garaacis...