Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa magaalada Washington DC ee Dalka Marekanka uga qeybgashay shir weynaha horumarinta Gaadiidka Adduunka oo usoo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka. Wasiir Fardowsa , ayaa shirka ku soo bandhigtay caqabadaha iyo horumarada Gaadiidka Soomaaliya ,iyadoo xaqiijisay dagaallada...

Dowladaha Mareykanka & Ruushka oo uu ka dhaxeeya Xifaaltan dhanka Militariga ah isla markaana dagaalkooda siyaasadeed Bishimaha aanay dhaafsiisneen ayaa haatan u muuqda in ay labada dhinac si toos ah isu wajihi karaan. Mareykanka ayaa Ruushka ku eedeeyay in uu ka burburiyay Diyaarad nooca duulliye la’aanta ah (Drones) ee wax basaasa oo dulmareysay Badda Madow balse...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay xukun dil ah oo lagu xukumay ku fulisay saddex ruux oo lasoo shaqeeyay Dowladda Federaalka oo ku eedeysan in ay ‘AS’ u fududeeyeen Dilal & Qaraxyo waa sida xukunkooda loo cuksaday. Dowladda Federaalka ayaa mid weliba gaarkiisa u gudbisay muuqaal laga duubay iyo qiraal uu ku sameeyay kiisaska lagu soo eedeeyay ee ugu...

Dood xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay qorshaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda federaalka, kaas oo haatan lagu karkarinayo Baarlamaanka, si wax ka beddal loogu sameeyo muddo xileedka hay’adaha dowladda. Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afar...

Doodda la xiriirta dhulalka Danta-guud ayaa dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay dib ula wareegayso dhulka danta-guud iyada oo la fidinayo xafiisyada heer federaalka. Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in loo wareejiyo xarunta xisbiga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan...

Waxaa maalmahan siyaabo kala duwan looga hadlayay ciidan tababar looga furay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Siyaasiyiinta abaabushay ciidankaas oo ay hoggaaminayaan Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ku doodaya in ciidanka uu yahay mid Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay ka joogaan...

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay inay tagaan wufuud kala duwan oo ka qeyb geli doonta shirka Golaha wadatashiga Qaran oo la filayo in uu ka qabsoomo halkaas. Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasme Cabdi Barre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Galmudug, Jubbaland iyo...

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa shir-gudoomiyey kulan ay isugu yimaadeen qaar kamida Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka, Gudoomiyaha Degmada Xarfo, Nabadoo iyo waxgarad ayaa ka qayb galay kulanka, Shirkan oo ah Wajiga 1aad ee kulanka Waxgaradka iyo Nabadoonada laba beelood oo walaala kuwaas...

Magangalyo doon dhalasho kala duwan heysta oo ay kamid yihiin Soomaali ayaa isaga kala gudbay soohdinta u dhaxeysa Mareykanka & Canada si ay u helaan sharciyada Dalkaas oo ay u arkaan in uu ka fudud yahay kan Mareykanka sida loo heli karo. Qaar kamid ah Dadkaan ayaa ku dooday in markii ay Mareykanka tageen ay waayeen dhaqdhaqaaq xoojinaya rejada ay ka qabaan in ay...

Iran ayaa ku dhawaaqday in hoggaamiyaha sare ee dalkaasi uu cafis u fidiyey in ka badan 22,000 oo qof oo loo xidhay mudaharaadadii dawladda looga soo horjeeday ee dalkaas ka dhacay, hase ahaatee ma jiro cid si rasmi ah u xagiijin karta warka sii daynta ee ka soo baxay xukuumadda dalkaas. Bayaan ka soo baxay madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa markii ugu horraysay si weyn...