Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidanka kumaandooska Danab, gaar ahaan urur 5-aad iyo ciidanka nabad sugida dawlad goboleedka jubbaland, ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Turdho iyo deegaanada ku xeeran wabiga jinkiisa ee gobolka Jubbada hoose, waxay ku dileen Xubno ka Tirsan Alshabaab. Hawlgalka ayaa lagu dilay 13 Xubnood oo  Alshabaab ah islamarkaana uu  ku jiro Xubin sare oo lagu magacaabo...

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay u muuqata inay sii lumineyso qabaa’ilka Soomaalida. Dadka waxay masuugsan yihiin hanaanka xil bixinta ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Ku dhawaad 50 digreeto oo labada xafiis ee dalka ugu sareysa kasoo baxday tan iyo 15-kii May ayaa ku dhawaad 40 kamid ah loo leexiyay beesha uu madaxweynuhu ku metalo saami-qeybsiga...

Tan iyo markii Al-Shabaab ay magaalada Muqdisho ka billowday dagaalka ay kula jirto ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada daroogada, waxay ku lifaaqeen xeelad cusub oo ku ogaanayaan bulshada iyo dadka ka ganacsada daroogada. warbaahinta oo la hadashay dhowr ganacsade oo looga shakiyay inay iibiyaan taabuuga iyo daroogada ayaa sheegay in goobahooda ganacsi ay marar kala...

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka qaybgalaya shir looga hadlayo deegaanka oo lagu wado in uu ka dhaco Dalka Gabon ee dhaca Bartamaha Afrika ayaa sheegay in uu soo dhammaaday gumeysigii Dalalka Yurub gaar ahaan Faransiiska ee Qaaraddaan. Macron ayaa Afrika ugu baaqay in iskaashi wanaagsan ay wadaagaan, saldhigyada uu ka saaray ciidamada dalkiisa ka socday ee...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka & Daraawiishta DG Jubbaland kula dardaarmay in ay kordhiyaan howlgallada ka dhan ah ‘AS’ ee deegaannada Dowlad-Goboleedkaas. Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in howlgallada ka dhan ah ‘AS’ ee ka billawday Gobollada Dalka gaar ahaan Dowlad-Goboleedyada...

Xukuumada Somliland ayaa sheegtay in xogo sirdoon oo ay heshay ay ku ogaatay  in ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaysanayaan in ay soo weeraraan xeryaha millateriga Somaliland ee gobolka Sool. Qoraal kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumadu ay beesha caalamka ku wargalinayso dagaal ay Puntland qorshaysay in ay kusoo qaado...

War qoraal ah oo lagu daabcay bogga internet ka ee dawladd Qatar ayay ku sheegtay inay qaban doonto shir ay isugu imaanayaan dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya kaas oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya. Shirkan mid hordhac u ahaa oo ka dhacay Washington DC ayaa looga hadlay qorshaha looga doodi doono shirkaan...

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay faah-faahin ka bixisay sababta hakisay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobollada dalka. Dagaalka oo billowday bartamaha sanadkii tegay ayaa kooxda Al-Shabaab looga saaray deegaano badan oo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka. Hase yeeshee, labadii bil ee tegay ayaa inta badan dagaalku...

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed oo kamid ahaa olaha degaanka Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa u geeryoodey dhaawac xalay fiidkii kooxo hubaysan ugu gaysatay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kooxaha hubeysnaa ay Xildhibaanka dhowr xabadood uga dhufteen qeybaha sare ee jirskiisa, taas oo keentay in uu soo gaaro...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo uu uga hadlayo arimo dhowr ah. Madaxweynaha ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay hoggaanka sare ee Maamulka Jubbaland, kulamadaas o ahaa kuwo horudhac ah, basle la filayo in saacadaha soo...