Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Kooxda Al-Shabaab oo dagaal xoogan uga socdo gobolada dalka ayaa waxaa soo baxeysa in weli kooxda ay madaxa ciidda ka ceshaneyso ayada oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka, islamarkaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. Arrinta halista ah ee laga soo warinayo furimaha dagaalka ayaa ah in ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas ay rasaasta...

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.. Wafuuda shirkaas uga qeyb-galeysa toddobada waddan ee ururka EAC ayaa shalay soo gaaray caasimada dalka ee magaalada Muqdisho. Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo la...

Waxaa goordhow qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho laga maqlay jugta tiro madaafiic ah oo kusoo dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya oo ay degan yihiin Madaxda ugu sar3eysa dalka. Ilaa 7 madfac ayaa la sheegay in jugtooda la maqlay, kuwaas oo ku dhacay meelo kamid ah Madaxtooyada, Xaafada Ex Fiyoore iyo meelo kale, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac ah. Dad ku sugan...

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal shalay lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Jeneraal Biixi oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in la dilay ugu yaraan 39 xubnood oo Shabaab ka tirsanaa, isagoo u mahad celiyey saaxiibada...

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray in uu Dalka Sweden ka hor istaagayo ku biirista Isbaheysiga NATO oo codkooda keliya uga dhiman haddii ay helaan in uu dalkaas xubin ka noqdo isbaheysigaas. Sababta uu Erdogan ugu diiday in codkiisa uu siiyo Sweden xilli dhowr jeer shuruudo kala duwan uu hordhigay ayuu ku sheegay in waddankaas uu raalli ka noqday...

Dowladda Talyaaniga ayaa dhiggeeda Jamhuuriyadda Carabta Masar kala hadashay xal u helista qulqulka tahriibayasha Afrika ee dalkaas u taga sidii ay uga sii gudbi lahaayeen waddamada kale ee Qaaradda Yurub. Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani oo Magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar Sameh Shoukry ayaa la wadaagay in Labadaan Dowlad ay iska kaashadaan...

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan oo ka hadlayey arrimo la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo howlgallada xoreynta ee ka socdo dalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah. Ugu horreyn Cali Jayte Cismaan ayaa ka sheekeeyay sheeko dhex-martay isaga iyo gabar yar oo shaah ku iibineysay deegaan laga saaray Al-Shabaab, kadib booqasho...

Howlgalkan oo ah mid ka dhan ah Al-Shabaaab ayna iska kaashanayaan ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa ka socda deegaano hoostaga degmooyinka Xarardheere iyo Beledweyne ee gobalada Mudug iyo Hiiraan. Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyay waday dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaano hoostaga degmada Xarardheere waxaana deegaanada ay...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa si kulul u cambaareysay falkii ay mas’uuliyiinta Sweden u ogolaadeen nin xag jir ah inuu ku gubo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kitaabka Qur’aanka Kariimka ah Sabtidii (January 21), taasoo ka dhigan mid cad. ku xad gudubka xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta...

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir ahna ku simaha guddoomiyaha oo uu wehliyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Banaadir ayaa isbitaalka digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa ku booqday dhawaacyadii dadkii ku wax yeeladu kasoo gaartay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta dowlada hoose ee Xamar. Guddoomiyaasha ayaa mid mid u dul tagay dhaawacyada...