Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka qabashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP#086, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Guddiga oo soo saaray Jadwalka qabashada doorashada kursiga HOP#086 oo ka mid ah kuraasta ugu hadal heynta badneyd doorashadooda...

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay weerarkii ay Talaadadii kooxda Al-Shabaab ku qaaday guri ay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho uga ijaareen ciidankii ku soo dhaawacmay dagaallada ka socda gobolkaas. Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey sababta hal guri la isugu geeyey ciidankaas, wuxuuna sheegay...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug) ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Wasaaradda ka dib khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay isaga iyo Wasiirka Wasaaradda Fardowso Cusmaan Cigaal. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri “Walaalayaal damiirkeygu wuxuu isiin...

Kooxo hubeysan ayaa xalay Xaafada Xaawa-taako ee Magaalada Beledweyne waxa ay kudileen Macalin Mowliid oo kamid ah Macalimiinta Dugsiyada Qu’raanka Kariimka. Ciidamo katirsan laamaha Amniga Beledweyne ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah wada, wallow ay baxsadeen raggii dilka geystay Weli lama oga cidda ka dambeeysa dilka xalay Magaalada...

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tobannaan kun oo rayid ah oo ka barakacay Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ay ka gudbeen xadka loogu tallaabo dhinaca Itoobiya ka dib markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad maxalli ah. Tirada dadka ka barakacay magaalada Laas Caanood ee gaaray deegaanka Doole ee dalka...

Sacuudi Carabiya ayaa lacag dhan 1 bilyan oo dollar dhigay bankiga dhexe ee Yemen ee fadhigiisu yahay magaalada Cadan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sucuudiga ee SPA, iyadoo dowladda dalkaas ay la daalaa dhacayso lacag yari ah iyo sare u kaca qiimaha shidaalka iyo badeecadaha. Riyad ayaa hoggaamineysa isbaheysiga militari ee Yemen oo dagaal kula jira Xuutiyiinta...

Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar dagaalamaayasha AL-Shaabab ay ku qaadeen Guri Dowladdu ay sheegtay inay ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis. Weerarka ayaa billawday kadib markii dagaalame ka tisranaa Xubnaha weerarka soo qaaday uu  isku qarxiyay albaabka Guriga, intaas kadibna waxaa billaawday dagaalka. Ciidamada Amniga oo aan ka...

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Isniintii si xoogan uga horyimid dhaq-dhaqaaqa muddo kororsiyada is-huwan ee ka socda dalka. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ka socda abaabul iyo mooshin ay wadaan xildhibaanada qaar, kaas oo ay ku doonayaan in muddada xil-haynta labada Aqal...

Howl-wadeenada gargaarka ee Soomaaliya ayaa ka walaacsan hoos u dhac ku yimaada gargaarka bini’aadannimo, xilli ay abaaraha dalka ka jira sii jiitamayaan. Deeq-bixiyayaasha ayaa Soomaaliya caawinayay tobannaan sano, inkasta oo xaaladda bani’aadaminnimo ee waddanka aysan waxba iska beddelin, sida ay sheegeen qaar kamid ah howl-wadeenada gargaarka. Dalalka deeq-bixiyaasha...

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku eedeeyay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi in ay leedahay hab dhaqankii dowladii kacaanka, maadaama ay Somaliland rasaas uga jawaabtay mudaharaadkii ka dhacay Laascaanood. Xoghayaha xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadka reer Laascaanood aysan sabab la’aan u...