Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidamada Ammaanka ee Dalka Kenya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga Xadka uu dalkaas la wadaago Soomaaliya si ay uga hortagaan weerarrada ay gaysan karaan ‘AS’ sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan laamaha amniga waddankaas. Ciidamo isugu jira Booliis & Militari ayaa iska kaashanayaa howlgallada lagu sugayo Amniga waxana ay kordhiyeen roondada ay ku...

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku dhintay arday duuliye ah iyo tababarihiisa kadib markii diyaarad ay la socdeen ay ku dhacday diyaarad rakaab ah oo dul mareysay magaalada Nairobi. Diyaaradda oo uu lahaa Iskuul Duullimaad, ayaa markaasi ku burburtay Beerta Qaranka ee Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen labada qof. Diyaaradda rakaabka ee Safarilink ayaa dib ugu laabatay...

Malleyshiyaad hubaysan ayaa lagu soo warramayaa inay jid-gooyo ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland, gaar ahaan Koontroolkii hore ee Magaalada. Wararka naga soo gaaraya Boosaaso ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadka oo wejiga qarsaday ay baarteen gaadiid kala duwan oo laamiga marayay islamarkaana qaarkood kala dageen raashin...

Dowladda Mareykanka ayaa qeylo dhaan ka muujisay sii socoshada xadgudubyada ka dhanka ah xuquuquda aadanaha ee ka socda Itoobiya, kuwaas oo laga yaabo in ay saamayn ku yeeshaan hannaanka ay Itoobiya ku dooneyso in ay maal gelin uga hesho deyn bixiyayaasha caalamiga ah. Maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dunida kala kulmaya waji gabax iyo dhalleeceyn isa soo tareysa...

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa magacaabis iyo isku shaandhweyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiiradda Hirshabeelle. Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Guudlaawe ayaa xilka looga qaaday Wasiiro ka tirsanaa Golaha Wasiiradda Hirshabeelle, islamarkaana sido kale la isku badalay qaar ka mid ah Wasiiradda. Magacaabista...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel Albares ayaa si cad uga hor yimid damaca gurracan ee Israel ay ku doonayso in ay ku dhul-ballaarsato dhulka Falastiin oo muddooyinkii u dambeeyay duqaynta xooggan ee arxan-darrada ah ku beegsanaysay. Waxa uu sheegay in aanay marnaba ka daadegin qorshaha cusub ee Yuhuudda ay ku doonayso in Falastiiniyiinta ay ku sal-kiciso kaddibna...

Ilaa 37 qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka oo Soomaaliya ka dilaacay tan iyo bishii Janaayo, taasoo muujineysa saamaynta cudurka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Wasaaradda caafimaadka iyo adeegga bulshada ayaa sheegtay in ay sare u kaceen kiisaska daacuunka, iyadoo wadar ahaan la soo sheegay 3,365 xaaladood. “Laga soo bilaabo bishii...

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Haiti Ariel Henry ayaa la waayay xogtiisa waxyar kaddib markii Mucaaradka hubaysan uu gacanta ku dhigay Caasimadda Dalkaas sida ay sheegeen ilo ku dhow dhacdadaan saamaynta ku reebtay waddankaan. Ariel Hinry ayaa la baadigoobayaa halka uu jaan iyo cirib dhigay lamana xaqiijin in ay gacanta ku hayaan burcadda caasimadda qabtay iyo in uu baxsaday...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaana hoggaaminayay xoghayaha joogtada oo lagu magacaabo Sir Philip Barton. Xamsa Cabdi Barre ayaa Wafdigaan warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya, waxaana uu usii raaciyay dedaallada...

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa faah-faahin ka bixiyay nabadgalyada Magaalada Muqdisho, diyaargarowga Bisha Barakaysan ee Ramadaan si xoogga loo saaro xasiloonida caasimadda & deegaannada duleedkeeda dhaca. Waxa uu sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin adkaynta amniga Magaalada Muqdisho maadaama ay nagu soo wajahan tahay Bisha Barakacaysan...