Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inaanay illaa haatan garanaynin meesha ay ka yimaaddeen, saddex walxood oo joog sare ku duulayey oo la soo riday dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey, iyaga oo dul sabbaynaya hawada sare ee Woqooyiga America. Dawladdu waxay sheegtay in aanay rumaysnayn in walxahaasi ay ahaayeen diyaaradaha wax lagu basaaso, inkasta oo aan arrintaas si buuxda...

Taliska Ciidamada Asluubta ee Xabsiga Dhexe ayaa shalay daayay, dibna ugu celiyay xoriyadiisa Wariye Cabdalla Axmed Muumin oo ay maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay laba bilood oo xabsi ah. Wariye Cabdalla Muumin oo sidoo kale ah xoghayaha guud ee ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS ayaa sii deyntiisa waxa uu taliska asluubta ku macneeyay inuu hore u dhameystay...

Soomaaliya shirkadaha isgaarsiinta ayaa fuliyay heshiis macaamiishooda isku wici karaan si jaban. Shirkadaha isgaarsiintu isma wici karin, dadka jooga Soomaaliya ee haysta telefoonada waxay ku qasbanaayeen in qof walba uu la-macaamilo inta ay isku shirkada isticmaalaan ama laba shirkadood lambaro ka qaato, si mid walba inta sidata si gaar ah ula xiriiro. Hadda mushkiladaas...

Amiirka dalka Qatar,  Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani ayaa noqday Hoggaamiyihii u horeeyey oo Ajnabi ah oo booqasho ku taga dalka Türkiga tan iyo wixii ka dambeeyey Dhul-gariirkii Isniintii hore ka dhacay dalkaasi. Amiirka dalka Qatar waxa uu Madaxweyne Erdoğan maanta oo Axad ah kula kulmay magaallada Istanbul, iyagoo yeeshay Kulan Khaas oo Albaabada u xirnaa, iyadoo...

Dagaalka magaalada Laasacaanood ayaa galay maalintii 8-aad, waxaana tan iyo saaka dhawaqa hubka jugta culus laga maqlayaa duleedka iyo Xaafadaha Magaalada Laas-Caanood. Inkastoo dhinacyada dagaallamaya ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in xabbadda la joojiyo, ayaa haddana waxaa muuqata in dagaalka uu maalinba maalinka ka dambeeysa sii xoogaysanayo. Xukuumadda iyo Somaliland...

Kooxo hubeysan ayaa waaberigii hore ee saaka waxaa ay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir kudileen Nin Sheekh Caan ka ahaa degmadaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday, sida ay u sheegeen warbaahinta dad goobjoogayaal ah. Sheekh la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo koobay Sheekh Muqtaar, waxana xilliga la dilayay uu kasoo baxay Masjidka Maqaamul Ibraahim ee kuyaalla...

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in Kulanka Maanta uu jiro kana soo qeyb galaan, iyada oo Ajandayaasha ay Kulanka Maanta ay kala yihiin: Ka doodista Warbixinta...

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada iyo ka qayb-galkooda xukunka. Shirweynahan oo ay ka soo qayb-galeen wufuud gaaraysa 4000 oo xubnood kana kala socda...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee xilligaan ka socda meelo kamid ah dalka iyo sida laga yeelayo Ciidamada Macawiisleyda ee la dagaalamaya Al-Shabaab. Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay kulan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub ay ku taageeraysay dagaalka ka dhanka...

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inay12 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen duqayn ka dhacday Soomaaliya, iyagoo taageeraya dowladda federaalka. Ma jirto dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay, AFRICOM ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, iyadoo duqayntu ka dhacday meel qiyaastii 472 KM waqooyi bari ka xigta caasimadda Soomaaliya ee...