Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dowladda Jarmalka ayaa diiday in ay Ukraine siiso taangiyada casriga ah ee Haramcad-2 kaddib markii Wasiirada Gaashaandhigga dalalka ku bahoobay Gaashaanbuurta NATO ay ku kulmeen Magaalada Ramstein ee Dalkaas. Ujeedka kulanka oo ahaa in qaaraan militari loo sameeyo Ukraine oo codsatay hub casri ah oo ay isaga difaacdo duullaanka uga imaanaya waddanka ay xad-wadaagga yihiin...

Kooxda Al-Shabaab waxaa laga saray magaalooyin waaweyn oo taariikh fog leh oo ku yaalla Galmudug iyo HirShabelle saddexdii billood ee lasoo dhaafay. Dhowr iyo toban sanno ayey ka talinayeen deegaanada laga bixiyay, waxay qaadayeen lacago joogto ah oo dhowr waji leh. Umadda deeganadaasi ku nool waa ku qasbanaayeen inay aqbalaan amarada kooxda, laakiin dilka ay Soomaali...

Midowga Yurub ayaa qaadaya tallaabo ka dhan ah askarta ilaalada kacaanka Iiraan oo ka kooban cutubyo si gaar ah u tababaran una hubeysan kuwaas oo halis badan dhalin kara marka la eego fulinta howlgallada muhiimka ah. Soo jeedin ka timid Baarlamaanka Midowga Yurub oo Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ku daray liiska waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ ayuu midowgaan ka...

Ugu yaraan 145 qof oo rakaab ah ayaa la la’yahay, waxaana laga cabsi qabaa inay dhinteen ka dib markii ay degtay doon si xad dhaaf ah loo raray oo ay saarnaayeen dadkan rakaabka ah iyo weliba alaab iyo xoolo. Doontan ayaa ku degtay webi ku yaalla Woqooyiga Galbeed ee Congo-Kinshasa, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaasi. Sida saraakiishu ay sheegeen waxaa masiibadaas...

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay guushii ay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab. Ciidamadan ayaa Isniintii Al-Shabaab kala wareegay degmada Xarardheere oo aheyd marin muhiim ah oo kooxda u isticmaali jirtay howlaheeda argagixiso. “Waxaa halkan hambalyo...

Waxaa maalintii 2aad galay shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed oo uu daah-furay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud si xal loogu helo kala aragti duwanaanta ka dhalatay sanadka dheeraadka ah uu rabo in uu qaato Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Shirka oo shalay furitaan ahaa waxaa maanta gunta loo galayaa sidii loosoo bandhigi lahaa caqabadaha siyaasadeed...

War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu bogaadiyay howlgallada Ciidamda Dowladda Federaalka, Daraawiishta DG Galmudug & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay ‘AS’ uga qabsadeen Degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer & Galcad oo ka kala tirsan Gobollada Mudug & Galgaduud DG Galmudug. Ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga...

Dagaalka caqiidada ayaa iridaha furtay ayada oo Al-Shabaab la kulmayso diidmo Diini ah oo xoogan markii u horeysay. Kadib markii ay kooxda xoojisay xasuuqeeda shacabka, oo ay soo bandhigtay falal argagax leh kuna faantay inay leysay dad Muslimiin ah ayaa culimada Soomaaliyeed billowday in aan intan ka badan Al-Shabaab lagu fiirsan gumaadka shacabka. Waxay markii u horeysay...

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay qorshe uu ku beddelayo lacagta kaliya ee dalka uu leeyahay kahor sanadka xigga si wax looga qabto lacagaha been abuurka ah. Lacag 1,000-shilling ah oo dib loo naqshadeeyey ayaa lagu beddeli doonaa lacagta hadda jirta oo markii ugu dambeysay la daabacay kahor inta aanu billaaban dagaalkii sokeeye 1991-kii, waxaa sidaas sheegay...

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay tahay in dalalka Sweden iyo Finland inay dib ugu soo celiyaan dalkiisa Turkiga, illaa 130 qof oo ay xukuumadda Ankara ay la xiriirineyso falal argagixiso, Madaxwryne Erdogan ayaa shuruud uga dhigay labada dal inay raggaas u soo gacan geliyaan ka hor inta aan baarlamaanka Turkigu aanu ansixinin ku soo biiritaankooda...