Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Kooxda Al-Shabaab oo dhawaan dad gaaraya illaa 15 qof oo shacab ah, oo kasoo jeeda beesha Xawaadle ka afduubatay gobolka Hiiraan, ayaa waxa laga yaaba inay colaad ka dhex abuurto beelaha Xawaale iyo Gaaljecel. Xog laga helayo arrintan ayaa waxay sheegaysaa in dadkan lagu haysto deegaanka Buqda oo ka tirsan gobolka Hiiraan, islamarkaana loo afduubtay inay u dhasheen beesha...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta Masar Mostafa Madbouly waxa ay ku heshiiyeen dhowr qodob oo muhiim u ah labada Dowlad sida lagu sheegay war kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya. Amniga, Ganacsiga, Maalgashiga, Waxbarashada, Caafimaadka, Xoojinta Xiriirka labada Dal, Isbaddelka Cimilada & qodobo kale oo miiska lasoo...

Al-Shabaab ayaa waxay fulisay boqolaal qaraxyo ah oo dhalinyaro ay kusoo rakibtay tobankii sano ee lasoo dhaafay. Baabuur qarax lagu raray oo lagu tala-galay in uu ku dhinto midka wada iyo inta ku sugan bartilamameed la mala-awaalay, qof qarax loogu soo labisay si uu ulaayo dad Muslimiin ah oo nolol maalmeedkooda u halgamaya iyo kuwa lagu qanciyay inay dhexda ku xirtaan...

NISA mid kamid ah hay’addaha amni ee ugu awooda badan Soomaaliya, waxa magaceeda ku lamaansana cabsi ay shacabka ka qabeen sanado badan. Haddii ay kugu soo dhacdo maxaa looga baqa marwalba, jawaabtu waa inaysan laheyn hay’adda sharciyo qoran ku dhisan oo aad taqaano xadkeeda iyo kaaga. NISA oo magaceeda NSS lagu aasaasay 53 sano ka hor dambiyo badan ayaa lagu eedeeya,...

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay ‘Bandhigga waxqabadka Xukuumaddiisa 2019-2022 & Daah-furka qorshihiisa 2023” ayaa dul istaagay qodobo ku diiday Shirka Golaha Wadatashiga qaranka ee dhowaan ka dhacay Muqdisho, Doorashada & xaaladda kale ee Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas. Labo qodob ayuu sheegay in aanay DG Puntland saxiixin kuwaas oo kala ah: 1-Habka Garsoorka uu noqonayo oo ah garsoor madax bannaan balse waxa uu sheegay in meesha la keenay hab ka duwan oo sababay in uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni saxiixo. 2-Habka Maamulka Dowladeed ee heer federal & heer Dowlad Goboleed loo qaybinayo oo uu sheegay in uu u muuqday mid kasoo horjeeda Dastuurka Puntland, Kan Federaalka & Doonista caqliga waa sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in markii uu arkay qodobadaas ay ula muuqatay in nidaamka Dowladda Dhexe dib loogu celinayo awoodda iyada oo meesha laga saarayo federaalka lagu heshiiyay. Deni ayaa tilmaamay in mowqifka DG Puntland ee la xiriira Dowladda Federaalka in maanta oo ah 9ka Janaayo 2023 uu soo bixi doonno, waxa uu ku faanay in Puntland ay gundhig u tahay midnimada & xoojinta Dowladnimada Soomaaliya. “2 qodob ee DG Puntland aysan wax ka saxiixin ogolaanna, labada qodob ee aan diidnay waxaa weeye 1-Habka Garsoorkeenna uu noqonayo oo ah garsoor madaxbannaan sida aan rabno ku qotoma dastuurka & shuruucda aan leenahay waxaa meesha la keenay wax taa ka duwan oo aan suuragal ahayn in ay Puntland aqbasho koley intii garashadeydu markaas ahayd” MW Deni. “Qodobka kale waxa uu ahaa habka maamulka Dowladeed ee heer federal & State (Dowlad-Goboleed) loo qaybinayo oo isaga oo dhan u muuqday mid kasoo horjeeda Dastuurka Puntland, Kan Federaalka ee hadda aan heysano & Doonista iyo caqliga federaaleenta Dalka uu diyaarka u ahaa, waxaa meesha kasoo baxday qorshe u eg in markale dib loogu celinayo Central (Dowlad-Dhexe), waxa aan soosaari doonnaa mowqifka Dowladdaan aan ku sameyneyay muddada aan joogno si aan ula jaanqaadno” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Deni. Illaa hadda ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka & Madaxda kale ee Dowlad-Goboleedyada ee ka qaybgalay shirka Golaha Wadatashiga qaranka oo ay uga hadlayaan labada qodob uu sheegay Siciid Deni in uusan saxiixin.

Dowladda Iraq ayaa ku dhawaaqday inay Somalia ka cafin doonaan kala-bar Lacagihii ay Dowladda Iraq ku lahayd ee la bixiyey xilligii uu Talada dalkaasi hayey Alle ha u Naxariistee Madaxweyne Saddam Xuseen. Go’aanka Dayn Cafintaasi waxaa shaaciyey Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Sudan ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Zayd Al-Sabaan. Wareysi uu siiyey Wakaallada...

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay ‘Bandhigga waxqabadka Xukuumaddiisa 2019-2022 & Daah-furka qorshihiisa 2023” ayaa dul istaagay qodobo ku diiday Shirka Golaha Wadatashiga qaranka ee dhowaan ka dhacay Muqdisho, Doorashada & xaaladda kale ee Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas. Labo qodob ayuu sheegay in aanay DG Puntland saxiixin kuwaas...

50 Maxbuus oo u dhashay dalka Ukraine ayaa dib ugu laabtay dalkooda Hooyo, kuwaasi oo ay Milliteriga Raashiya horey ugu qabteen goobaha Dagaalka. Andriy Yermak oo ah Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Maxaabiista soo guryo noqday ay kala yihiin 33 Sarkaal iyo 17 Askari. Qoraal uu soo dhigay Barta Telgram ayuu ku sheegay in lagu guuleystay Maxaabiis Isdhaafsi...

Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in madaxdii Puntland ee isaga ka horreysay ay ku darsan jireen waqtiga xilheyntooda, taasoo uu sheegay in aysan wax dhib ah lahayn. Bilihii la soo dhaafay ayaa Siyaasyiin kasoo jeeda degaannada Puntland ay qaveen l tuhunka ku aadan in madaxweyne Deni uu qorsheynayo inuu sameysto muddo kororsi,...

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa qaadday saddex sano kaddib xeerka karaantiilka Dadka booqanaya Dalkaas ee dhaqaalaha badan gelin jiray in ay ugu dalxiisaan dhul weynaha Jamhuuriyaddaas. Inta uu xeerkaan jiray waxa kale uu saameyn taban ku reebay isu socodka Dadka qurbaha ku maqan ee rabay in ay dib ula midoobaan ehelkooda maadaama Xukuumadda Beijing ay soo rogtay...

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa sheegay in aanay is baddelin mowqifka Dowladda Federaalka ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’. Xuseen, waxa uu sheegay in aysan waan-waan kula jirin ‘AS’, Shakhsiyaadka doonaya in ay kasoo baxaan ayuu tilmaamay “in la marin doono nidaam hufan si ay xaq...