Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

In ka badan 180 qof oo ka soo jeeda Qowmiyada Muslimiinta ee Rohingya oo in ku dhow hal bil doontii ay la socdeen lagu la’aa Badda ku ayaa la soo badbaadiyey. Qaxootigaasi oo ay ka muuqatay macuul, Fuuq-bax iyo daal ayaa waxay doonidii alwaaxa ee ay la socdeen ay maanta ku soo caariday Xeebaha Gobalka Aceh ee dalka Indonesia. Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay Midowga Musharraxiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Musharraxiinta Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed si loo helo midnimo isla-markaana la iska kaa shado sidii...

Booliska Nigeria ayaa sheegay inay baarayaan askari dilay haweeney qareen aheyd, isla markaana xaamilo aheyd, oo aan hubeysneyn kadib markii ay ka soo baxday kaniisadda Christmas-kii. Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Lagos ayaa wacad ku maray in baaritaanku uu noqon doono mid degdeg ah laakiin dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Nigeria aysan wax weyn...

Waxaa Maanta magaalada muqdisho diyaarad ku keentay Saddexdii Oday Dhaqameed ee kasoo jeeday Beesha Reer Xaaji Saleemaan, kuwaas oo dhawaan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug heshiiska kula galay Ururka Al-Shabaab. Odayaashaan oo lagu kala magacaabo Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa Maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa Magaalada...

14 Badmaaxiin Masaari ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Qarax dhawaan qabsaday Markab Xamuul oo marayey meel ka baxsan Xeebta dalka Turkiga. Hadal Qoraal oo Wasiirada Socdaalka dalka Masar, Soha El-Gendy soo saartay ayey ku sheegtay in 3 ka mid ah Badmaaxiinta dhaawacan ay xaalladooda aad u liidato, iyadoo Kabtankii Markabkaasi, Xusaam Taabit oo u dhashay Masar la...

Wararka naga soo gaaraya magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka dhacay dibadbax ay dhigayeen dadka Shacabka ah, kaas oo ay uga soo horjeedaan dilalka qorsheysan ee had iyojeer ka dhacay magaaladaas. Banaanbaxa ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay kooxo hubeysan ay bartamaha magaalada laas-caanood kudileen Cabdifitaax Cabdullaahi...

Xildhibaan hore Xasan Black oo kamid ahaa Baarlamaankii hore ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul uga hadlay muddo kororsiga Madaxweyne laftagareen iyo Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo. Xildhibaan hore Xasan Black oo wareysi siiyay warbaahinta waxaa uu sheegay in muddo kororsi la sameysto ay u baahan tahay jadwal iyo shuruudo la raaco, isla markaana...

Labo ruux ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay toogasho ku dileen, dhowr gurina ay gubeen deegaan miyi ah oo ku yaalla xeebta dalka Kenya, sida ay booliisku sheegeen. Weerarka ayaa habeenkii Kirismaska ka dhacay deegaanka Pandaguo ee ismaamulka Lamu oo deris la ah keynta Boni, halkaasoo hay’adaha ammaanku ay wadeen howlgal tan iyo 2015-kii si looga soo saaro Xubno katirsan...

Wararka naga soo gaaraya magaalada Miqdisho ayaa sheegaya in galabta diyaaradda Ethiopian airways ay shil ay ku gashay gudaha garoonka diyaaradaha Adan Cadde. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Shilkan uu yimid kadib markii mid ka mid ah garbaha diyaarada uu waxyeello soo gaaray xilli ay dooneysay in ay ka duusho Garoonka. Warar kale waxey sheegayaan in mid kmaid ah...

Kulanka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay Xarunta Villa Hargeysa, waxaana siwadajir ah u guddoominaya guddoomiyeyaasha labada Aqal. Shirka Xildhibaannada labada Aqal ayaa Ajandahiisa Maanta waxa uu yahay ka doodista Miisaaniyadda 2023, waxaana horyimid Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur. Xildhibaannada labada...