Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Nairobi ku qaabilay wafdi ka socda Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo ka kooban u qeybsanaha Qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca Siyaasadda. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda, waxaa la boggaadiyey...

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawa Yuusuf Raage ayaa xerada ciidanka kumaandooska Danab ee Ballidoogle wuxuu tababar ugu furay askar cusub oo ku biireysa ciidanka xoogga dalka. Jeneraal Odawaa ayaa askartaan uu maanta tababarka u furay wuxuu kula dardaarmay inay daacad u noqdaan shaqada qaran ee loo carbinayo. Tababar maanta loo furay ciidankaan...

Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta maleeshiyo Beeleed hubeysan ay xireen, isla markaana ay joojiyeen Shaqadii garoonka diyaaradaha degmadaas. Maleeshiyaadka oo wata hubka culus iyo gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa waxaa ay ka careysan yihiin habka loo qeybiyay golaha degaanka degmada Cabudwaaq oo qaarkood...

Ciidanka ammaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka sameeyay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga xaafadaha kala duwan ee magaaladaas. Howgalladan ayaa ujeedkoodu uu yahay sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada magaalooyinka Jubbaland, loogana hortagi lahaa weerarada Ururka Al-Shabaab. Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa shacabka...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasi oo si diirran uu ugu soo dhaweeyay, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti. Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti,...

Degaanka Qaayib oo saakay weerar Gaadmo ah ku qaadeen Ururka Al-shabaab ayaa waxaa gaaray Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo u wehliyo Sanator Saciid Siyaad Shirwac iyo Masuuliyiin kale. Wasiirka Amniga ayaa ciidamada Qalabka sida, Kuwa Galmudug iyo Ciidanka Degaanka ku amaanay siday uga hortageen weerarkii Al-Shabaab iyo khasaaraha xooggan ay gaarsiiyeen Wasiirka...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidamada. Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku qotoma u kuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga, Saamaynta Abaarta iyo Dhiiragelinta Ciidanka iyo...

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in milatariga Soomaaliya iyo Dadka degaanka ay Al-Shabaab ku jabiyeen dagaal ka dhacay magaalada Qaayib ee degmada Baxdo, ka dib markii ay Al-Shabaab saaka weeraro ismiidamin ah ku qaadday saldhig miltariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Sida...

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu horkacayo oo Maanta gaaray Magaalada Baydabo ayaa uga soo gudbay gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Wasiir Axmed Fiqi ayaa u gaaray magaaladaasi si uu goobjoog uga ahaado caleemo saarka guddoomiyaha degmada Xudur iyo maamulka deegaanka, waxaa...

Guddiga khubarada ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira la socodka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya ayaa kula taliyaya golaha ammaanka ee Qaramada midoobay in la ballaariyo shuruudaha liiska cunaqabataynta ee saaran Soomaaliya. Warbixintii ugu dambeeysay ay Guddiga soo saaareen bilihii September iyo October ku sheegay in tallaabooyinkan ay muhiim...