Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Xuseen Bukhaari ayaa safar shaqo ku gaaray degaannada Laama ariboob iyo Saaxo-qurun ee Gobolka Mudug. Safarkan oo salka ku haya ilaalinta Nabada iyo Wadajirka Bulshada Gobolka Mudug ayaa waxaa qayb ka ahaa Taliyayaasha Qaybaha Booliska ee Gobolka Mudug Galmudug iyo...

Wasiirka sirdoonka Iran ayaa u sheegay in waddanka ay xafiiltamaan ee Sacuudi Carabiya in aanu sii jiri doonin dammaanad qaadka Tehraan ee ku aaddan “samirkeeda istiraatiijiyadeed,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars. “Ilaa hadda, Iran waxay qaadatay dulqaad istiraatijiyadeed oo macquul ah, laakiin ma dammaanad qaadi karto inaysan dhammaanayn haddii colaaddu...

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe. Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Taliye kuxigeenka labaad ee Ciidanka Booliska,Qaar ka mid ah hoggaanada ciidanka booliska,Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, kuxigeenkiisa,Taliyaasha Saldhigyada...

Ilhan Cumar ayaa markii saddexaad ku guleysatay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka, kadib markii ay ka adkaatay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Ilhan oo sanadkii 2018 noqoto qofkii ugu horreeyay ee Somali-Amerikan ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa difaacatay kursigeeda. Hadal kooban oo ay u jeedisay...

Finland ayaa sheegtay inay u qoondeysay ilaa 15.7 milyan oo Yuuro oo gargaar ah si loogu taageero shixnadaha badarka ee Geeska Afrika. Go’aanka ayaa lagu shaaciyay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Finland. Kaalmada waxaa bixin doona Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNCHR), Laanqeyrta Cas ee Finland iyo Guddiga Caalamiga ah ee...

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Nairobi ku qaabilay wafdi ka socda Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo ka kooban u qeybsanaha Qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca Siyaasadda. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda, waxaa la boggaadiyey...

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawa Yuusuf Raage ayaa xerada ciidanka kumaandooska Danab ee Ballidoogle wuxuu tababar ugu furay askar cusub oo ku biireysa ciidanka xoogga dalka. Jeneraal Odawaa ayaa askartaan uu maanta tababarka u furay wuxuu kula dardaarmay inay daacad u noqdaan shaqada qaran ee loo carbinayo. Tababar maanta loo furay ciidankaan...

Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta maleeshiyo Beeleed hubeysan ay xireen, isla markaana ay joojiyeen Shaqadii garoonka diyaaradaha degmadaas. Maleeshiyaadka oo wata hubka culus iyo gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa waxaa ay ka careysan yihiin habka loo qeybiyay golaha degaanka degmada Cabudwaaq oo qaarkood...

Ciidanka ammaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka sameeyay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga xaafadaha kala duwan ee magaaladaas. Howgalladan ayaa ujeedkoodu uu yahay sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada magaalooyinka Jubbaland, loogana hortagi lahaa weerarada Ururka Al-Shabaab. Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa shacabka...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasi oo si diirran uu ugu soo dhaweeyay, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti. Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti,...