Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Turkiga ayaa rajaynaya in sanadka 2025-ka uu ka fuliyo howlgal shidaal qodis ah oo laga qodayo badda Soomaaliya,sida uu sheegay wasiirka tamarta ee dalkaasi Jimcihii wax yar ka dib markii ay labada dowladood ku heshiiyeen in ay kordhiyaan iskaashigooda iyagoo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah bishii hore. “Waxaa jirta meel...

Qatar ayaa dib uga fakareysa doorkeeda dhexdhexaadinta Israel iyo Xamaas, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Qatar Arbacadii mar uu shir jaraa’id ku qabtay dhiggiisa Turkiga magaalada Doxa. Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay, isagoo aan faahfaahin ka bixin, in dhexdhexaadinteeda lagu xadgudbay. “Xilligan xaadirka...

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay dib u dhigtay shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo horay loo qorsheeyay inuu Muqdisho ka furmo maanta Sabtida ah , kadib markii ay ka laabteen shirka madaxda maamul goboleedyada. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay baaqashada shir madaxeedka, iyadoo lagu sheegay arrimo farsamo,...

Kenya ayaa Jimcihii ka billaabatay saddex maalmood oo baroor diiq ah kaddib markii taliyihii difaaca iyo sagaal sarkaal oo kale ay ku dhinteen shil diyaaradeed, shilkan oo ahaa kii ugu dambeeyay ee milateri oo uu ku lug lahaa qof caan ah. Salaan ka kooban 19 qori ayaa dhici doonta maanta iyadoo lagu maamuusayo taliyaha ciidamada Kenya General Francis Omondi Ogolla, iyadoo...

Ka dib markii la soo gabagabeeyay shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee G7 ee magaalada Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhaxaysay 17 – 19 April, dalalka xubnaha ka ah waxay sheegeen inay walaac ka muujiyeen heshiiskii Is-faham ee u dhexeeyay Itoobiya iyo maamul goboleedka Somaliland ee Soomaaliya oo lagu dhawaaqay January 2024. Waddamada ayaa sidoo kale sheegay in...

Dawladda Soomaaliya ayaa soo dhawaysay war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee G7 ee ka dhacay dalka Talyaaniga, kaas oo lagu muujiyay walaaca ku saabsan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Addis Ababa January 2024. War-murtiyeedku wuxuu dhiirigelinayaa labada dhinac ee Itoobiya iyo dawladda Faderaalka...

weerarka  lagu qaaday Iran ayaa indhaha ku haya magaalada dhexe ee Isfahan, oo mar ahaan jirtay caasimadda Boqortooyada Faaris xilligii Boqortooyada Safawid. Bishii Janaayo 2023, warshad militari oo ay leeyihiin ciidamada Iran ee Isfahan ayaa sidoo kale lagu weeraray dhowr diyaaradood. Gobolka Isfahan waa goobta ugu weyn ee Nukliyeerka Iran, Natanz. Laga soo bilaabo 1598...

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa ku dhawaaqay in Turkiga uu ka bilaabayo howlo shidaal baaris ah oo badda Soomaaliya ah, isagoo qorsheynaya inuu bilaabo qodista badda 2025. Qorshahani wuxuu daba socdaa heshiis istiraatijiyadeed oo laba geesood ah oo lagu xoojinayo iskaashigooda iyada oo loo marayo horumarinta tamarta. Iyadoo...

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha qabaa’ilka ah ee ka taagan Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe cirka isku sii shareeray, kuwaasi oo geystay khasaare naf iyo maalba leh. Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Saadaad Caliyow ayaa soo hadal qaaday cawaaqib xumada ka dhalatay dagaalladii ka dhacay degmooyinka Buurhakaba,...

Ebrahim Raisi ayaa booqasho ku jooga Damghan oo ka tirsan gobolka dhexe ee Semnan, halkaas oo uu khudbad ka jeediyay balse ma uusan soo hadal qaadin weerarka Isfahan. Wuxuu inta badan ka hadlay arrimaha gudaha, isagoo diiradda saaraya yoolalka safarrada gobollada ee uu ku marayay waddanka oo dhan tan iyo markii uu xukunka qabtay – laakiin wuxuu ka hadlay weerarkii...