Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul uga hadlay beegsi uu sheegay in Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan kula kacay beesha uu kasoo jeedo, kadib qaraxyadii dhawaan gilgilay magaalada Beledweyne. Jeesow ayaa sheegay in guddoomiye Jeyte uu ciidamo badan dul dhigay Buundada Liiq-liiqata, islamarkaana uu amray in qofka reer Qoraxsin ee gudaha magaalada...

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa tijaabinaya tiro ka mida daawada sharoobada ee loo isticmaalo qufaca ee ay soo saarto shirkadda daawada ee Maiden ee loogu talo galay in dalalka debedda loo dhoofiyo, ka dib markii ay Hay’adda Caafimaadka ee Qaramada Midoobay ay sheegtay inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya, daawooyin ay shirkaddani soo saartay iyo dhimashada tobanaan...

Dab geystay khasaaro hantiyadeed ayaa xalay ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Kismaayo, kaas oo khasaaro u geystay Hanti farabadan oo ay lahaayeen Ganacsato kunool Magaalada Kismaayo. Maamulka Magaalada Kismaayo & Bulshada Magaalada oo gurmad sameeyay ayaa ugu dambeyn saqdii dhexe ee xalay ku guuleystay daminta dabkaas, waxaana ka hadlay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi...

Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada london kulan ballaaran kula yeeshay hay’adaha garagaarka Caalamiga ah ee xaruntoodu tahay Ingiriiska. Shirka oo ay sidoo kale ka soo qayb-galeen saraakiil ka socotay Dawladda Ingiriiska iyo Guddiga Gurmadka Degdegga ah ee UK, ayuu Ergaygu uga warbixiyey xaaladda abaaraha...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka iyo Qiimeynta Khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Isniintii ka dhacay Magaalada Beledweyne. Madaxweynaha ayaa faray guddigaan in si deg deg ah ay ku howlgalaan si loogu gurmado dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne, qiimeynna ay ku sameeyaan baaxada...

Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay Warka lagu baahiyey Baraha Bulshada Ee la xiriiray Warqad lagu been abuurtay Maareeyaha Garoonka Aadan-Cadde ee ahaa in Shaqaalaha Garoonka looga digayo khatar Amni iyo weeraro ay qorsheeyeen Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde oo ay faafisay Wasaaradda Gaadiidka...

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Muhoozi Kainerugaba, ayaa loo dalacsiiyay Jeneraal, sida uu ku dhawaaqay afhayeenka ciidamada Uganda. Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa maalin kadib markii Kainerugaba uu soo dhigay qoraalo dhowr ah oo uu kaga hadlay duullaanka uu ku qaaday dalka Talyaaniga iyo dalka Kenya ee deriska la ah. Waxa uu bartiisa Twitter-ka...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta Al-Sabaab ka gaysteen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Kullanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay qaraxyada...

Qarax saddexaad ayaa goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, oo saaka ay laba qarax oo waa weyn ka dhaceen. Qaraxan ayaa wararku ay sheegayaan inuu ka dhacay dhabarka dambe ee saldhigga booliska magaalada Beledweyne, welina ma cadda khasaaraha ka dhashay Dhowaaqa qaraxan ayaa meelo fog laga maqlay, waxaana xoogiisa la gariiray guryaha magaalada,...

Ciidamadda kala duwan ee Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal amni xaqiin ah ka sameeyay inta u dhexeeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellaha dhexe & Shabeellaha Hoose. Howlgalka oo ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidanka Millateriga, Ciidanka Duufaan ee Nisa iyo Ciidanka Booliiska gaarka ah Haram-cad ayaa waxaa laga sameeyay degaannada u dhexeeya Balcad...